Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa maanta tababar u furey xubno ka kala socday qaar ka mid ah degmooyinka dalka.
Xubnahan uu gaaasimaha guud tababarka u furay ayaa ka kala socday degmooyinka Hargeysa, Boorama, Gabiley, Saylac, Salaxley, Baki, Lughaya iyo Balli-gubadle.
Tababarkan oo socon doona muddo Afar maalmood ah ayaa masuuliyiinta dawladaha hoose, waxay ku qaadan doonaan Hanaanka La Qabsiga Isbedelka Cimiladda iyo Adkeysiga Bulshada.
Kaasoo wax badan ka tari doona marka ay diyaarinayaan qorsheyaasha degmooyinka ay masuuliyiintani ka socdeen ama ay metalayeen.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdilaahi Ducaale, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in u jeedadda tababarkani ay la xidhiidho Hanaanka La Qabsiga Isbedelka Cimiladda iyo Adkeysiga Bulshada.
Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa kula dar-daarmay ka qayb galeyaasha tababarkaasi in ay ka faa’iiraystaan macluumaadka ay ku qaataan mudadda uu tababarku socdo.