Agaasimaha Ganacsiga Somaliland oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Shirkadaha Mareykanka

0
2274

Washington (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madax sar sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Agaasimaha wasaaradda Ganacsiga Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Madaxda Shirkadaha waaweyn ee dalka Mareykanka ee loo yaqaan Business Roundtable, Michael Steel.

Kulanka, ayaa waxaa ay Agaasimaha Ganacsiga Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Madaxda Shirkadaha Mareykanku, kaga wwadahadleen arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsiga ee dalalka Somaliland iyo Mareykanka.

Waxaa kale oo ay kulan kaga wadahadleen fursadaha maal-gashi ee Somaliland iyo sidii suuq loogu heli lahaa wax soo saarka Somaliland, oo ay ka mid yihiin xabkaha iyo faleenka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka, waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda sar sare ee dalka Mareykanka, Shirkadaha ganacsiga dalkaasi iyo jaaliyaddaha Somaliland ee ku nool dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here