Agaasimaha Ganacsiga Somaliland oo la-kulmay Guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda Senate-ka Mareykanka

0
5314

Washington (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulmay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Senate-ka dalka Mareykanka, Senator Ben Cardin.

Kulanka agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland iyo Guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee Senate-ka Mareykan, ayaa ka dhacay magaalada Washington.

Labada dhinac, ayaa waxaa ay kulankooda kaga wadahadleen qoddobo ku wajahan Somaliland iyo mandaqada guud ahaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, ayaa waxa uu Senator Ben Cardin la wadaagay doorka caalamiga ah ee Somaliland ee la dagaallanka argagixisada, sugida amniga xeebaha Somaliland, si loo sugo habsami u socodka ganacsiga caalamiga ah, iyo kor u qaadista dimuqraadiyadda iyo xorriyadda.

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee Senate-ka dalka Mareykanka, Senator Ben Cardin wuxuu xusay in Somaliland ay ku taalo gobol caqabado badan leh.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu kulamo kala duwan dalka Mareykanka kula qaatay Madaxda ugu saraysa dalka Mareykanka iyo Shirkaddaha Ganacsiga ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here