Darar-weyne (HP): Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen Muโadinka, ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la qaadanayo dufcadda labaad ee dhalinyaradda ka qayb gelaya barnaamijkaasi.
Waxaanu sheegay in bisha January ee sanadka soo socda ee 2020-ka ay bilaabayaan kala xulista iyo imtixaanka laga qaadayo dhalinyaradda gelaysa barnaamijka shaqo qaran, isla markaanaย bisha February ee isla sanadka 2020-ka ay si rasmiya u bilaabmi doonto hawsha lagu carbinayo dhalinyaradda.
Iyadooย labadda bilood ee sanadkan ka hadhay ku dhamaystirayaan guryaha iyo dhismeyaasha loo baahan yahay. Maadaama oo xeryihii tababaradda loo istcimaalayay ay haatan buuxaan.
Maxamed Xuseen Muโadinka, waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta madaxweynaha Somalilandย uga warbixinayay halka ay marayaan wejiga labaad ee hawlaha barnaamijka shaqo qaran.
Muโadinka, oo madaxweynaha uga warbixinayay halka hawluhu marayaan, waxa uu yidhi โMudane madaxweyne, dufcadii hore waxaanu isticmaalaynay saddex xero oo ciidanka qaranku leeyihiin. kuliyadda saraakiisha, kuliyadda saraakiil ku-xigeenadda iyo tan (layli sarkaal).
Labadii kuliyadood ee kale ee aanu isticmaalaynay, lix boqol ayaa ku jiray. Lixdii boqol imika way naga buuxdaa, oo sanad baa lagu jirayaa kuliyadan ama laba sanadood, oo xidhiidh bay noqonaysaa, tababaradda la bixinayo.
Markaa waxay nagu qasabtay in aanu intan in leโeg dhisno. Xeradani waxay qaadaa afar boqol oo keliya. Markaa waxay nagu kelifaysaa in aanu laba Hool oo kale, oo afar boqol iyaguna qaada aan dhisno, oo aanu dhismahoodii bilawnoโ.
โWuxuu ku dhamaanayaa dhismahaasi laba bilood, haddii ALLE yidhaahdo. Markaa January kala hufidda (process-ka) ayaanu bilaabaynaa, haddii ALLE yidhaahdo. Xulistoodii iyo imtixaankoodii iyo hawlahoodii. Waxaanay soo geli doonaan insha ALLAAH February, imikana inta ka hadhay dhismaha guryaha ayaa sii soconayaโ ayuu yidhi Muโadinku.
Geesta kale agaasimaha barnaamijka shaqo qaran waxa uu sheegay in hayโadda qaabilsan shaqaalaha aduunka ee magaceedda loo soo gaabiyo ILO ay u dhisayso Hool weyn oo loo isticmaalayo marna cuntadda marna Tiyaatar duruusta lagu siiyo ardayda la qaato sanadka soo socda.
Muโadinku, waxa uu tilmaamay in dhamaanba hawlaha barnaamijkaasi ay si caadiya u socdaan, isla markaana wax ka xun ama caqabad aanay jirin.
โWaxa kaloo iya-na la noo dhisayaa, oo hayโadda ILO ay bilaabaysaa beri ama saandanbe, ama ayaamaha soo socda, Hoolkii cuntadda oo dhinac-na Tiyaatar ka ah, oo Kuraasidda iyo Miisasku ay yihiin kuwo cayiman (fixed), oo Shub ah, oo Shubka ku dhegan, oo marna lagu siinayo khudbadaha, oo Projectors ku xidhan yihiin, marna ay ku cuntaynayaan.
Kaana waa la noo dhisayaa iyo labadda hool ee hurdadda ah, ee aanu ku kordhinayno. Wax naga xumi ma jiraanโayuu yidhi agaasimaha barnaamijka shaqo qaran.
By: Khadar Cabdi Muuse
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.