“Askari waa Sawaaxili akhlaaqda ciidanka-na waxaa dhigay nin Shiine ah ciidankii u horeeyay ee Somaliland”….

0
795

Darar-weyne (HP): Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ciidamadda qalabka sidaa ay yihiin kuwa ilaaliya nolosha iyo amaanka bulshadda oo ay naftooda ilaalinteedii ka horumariyeen kuwa  dadka kale.

Muuse Biixi Cabdi,  oo hadal ka jeediyay munaasibad maanta tababar u furay dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.

Dufcadaasi oo tababarka looga furay xarunta tababarka ciidamadda ee Darar-weyne ee bariga magaaladda Hargaysa, waxaanu madaxweynuhu dhalinyaradda loo tababarayo saraakiishaasi in ay si wanaagsan u gutaan barashadda culuumta.

Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga sheekeeyay taariikhda ciidamadda aduunka iyo kuwa Somaliland, akhlaaqda iyo waxyaabaha kale ee ciidanka looga baahan yahay.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY