Afhayeenkii Hore Ee Madaxweynaha Oo Farriin Hambalyo Ah U Diray Afhayeenka Cusub

0
964
Axmed Saleebaan Dhuxul

Hargeysa, (HargeisaPress) — Afhayeenkii hore ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu farriin hambalyo iyo bogaadin ah u diray Xuseen Aadan Cigge oo maanta loo magacaabay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland,waxaannu ku sifeeyay shaqsiyad hawshaas gudan karta oo khibrad leh.

 

Afhayeenkii hore ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu farriin hambalyo iyo bogaadin ah u diray Xuseen Aadan Cigge oo maanta loo magacaabay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland,waxaannu ku sifeeyay shaqsiyad hawshaas gudan karta oo khibrad leh.

 

Afhayeenkii hore ee Madaxweynuhu Mr Dhuxul  waxaannu u sheegay in sunnaha dawladnimaddu uu yahay qori  isku dhiib oo maalin-ba qof joogo, isagoo tilmaamay innuu Xuseen Aadan Cigge uu yahay qofkii ugu habboonnaa ee bedella.

 

“Xuseen Aadan Cigge waxaan aad ugu kalsoonnahay innuu xilkaas ka soo bixi doonno, waa nin qaranka iyo Madaxweynahaba muddo dheer garab taagnaa, waa nin karti badan oo dedaal badan, aqoon leh oo ka soo bixi karra Jagaddaas Afhayeenka Madaxweynaha ee uu Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u igmadday. Waxaan leeyahay garabkaaga ayaan taagannahay, Illaahay xilkaas ha kugu asturo, mar labaad waxaan leeyahay Hambalyo.” Ayuu yidhi Afhayeenkii hore ee Axmed Saleebaan Dhuxul.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here