Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Somaliland hannaan kharash yar ku baxayo ugu guulaysatay inay muddo ka yar saddex bilood ay hubka kaga dhigto in ka badan 5,000 oo ka tirsanaa ciidamada madaniga ahaa, arrintaas oo si weyn uga duwan habraacyada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay hoggaamiso, kuwaas oo inta badan qaata sanado isla markaana ay ku baxdo ballaayiin dollar.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland wuxuu sidaas ku caddeeyay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter), waxaannu iftiimiyay in Somaliland qaramaynta ciidammadii madanagaa ahaa u adeegsatay nidaamkeeda gaarka ah ee ay ummadda ka talogelisay hirgelinta barnaamijkaas qaramaynta oo ay kaga dabaallatay fulin cad oo dhisan caddaalad iyo qorshe qaran oo laga middaysan yahay.
Waxa kaloo Afhayeenku xusay in nidaamka qaramaynta lagu salleeyay hindisaha gaarka u ah ee la xidhiidha dib-u-heshiisiinta ay ku soo caano-maashay Jamhuuriyadda Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr, wuxuu tilmaamay in qaabka wadatashiga ku dhisani uu yahay mid laga dhaxlay guul maxali ah oo la mahadiyay, isla markaana mudan in Somaliland lagaga daydo.