Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kulan xog-warran ah la yeesheen Masuuliyiinta cusub ee Bangiga Dhexe.
Kulankan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland Xuseen Ismaaciil Jaamac, ayaa ka qabsoomay xafiiska guddida ee Golaha Wakiillada.
Waxaana kulankan diiradda lagu saaray qiimaynta waayo-aragnimada, aqoonta iyo kartida Gudddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, kuwaas oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay xilalkan muhiimka ah.
Guddidu waxay kulankan ku fulinaysay waajibaadkeeda dastuuriga ah iyo kan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, si loo xaqiijiyo in masuuliyiintani u qalmaan xilalka loo igmaday.
Warbixinta iyo talo-soojeedinta guddida, ayaa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Golaha Wakiillada, si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xidhiidha ansixinta iyo kormeerka hay’addaha qaranka.