Afhayeen Deyr: “Somaliland waxay ka badbaaday colaadaha iyo sharci-la’aanta hadheeyey Soomaaliya

0
2523

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay tahay “dal guuleystay oo ku yaalla mandaqad ay caqabado badani ka jiraan.”

Afhayeenku wuxuu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku naalloonayso amni iyo xasilooni, iyadoo ka badbaaday colaadaha baahsan, fawdada iyo sharci la’aanta hadheeyey deriskeeda Soomaaliya.

Sidaasna waxaa uu Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), waxaannu shaaciyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dhigtay taariikh horu-socodnimo oo ay ku muujisay xasillooni, dimuqraaddiyad iyo koboc dhaqaale, taas oo si cad u kala soocaysa iyada iyo qaar ka mid ah dalalka ka jira gobolka ay ku taallo ee colaaduhu la degeen.

Afhayeen Deyr, wuxuu ka xaal-warramay in soddonkii sannadood ee la soo dhaafay shacbiga iyo hoggaanka Somaliland oo isku duubani ay sees adag u taageen nabadgelyada isla markaana laga qabtay dalka doorashooyin xor ah oo xukunka la iskugu wareejiyay si nabdoon.

“Waxa Somaliland hirgelisay dhaqaale ku sallaysan suuqa xorta ah, isla markaana si wax ku ool ah ula shaqeeyeen saaxiibbada caalamiga ah—iyagoo mar kasta ilaaliya xukunka sharciga, dawlad-wanaagga, xuquuqda aadamaha iyo heshiisyada caalamiga ah,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here