Addeeg Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Cusbitaalka Guud Ee Laascaanood

0
397

Laascaanood (HP): Cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood ayaa lagu soo kordhiyay addeeg cusub oo ah qaybta hagaajinta, sifaynta, cusboonaysiinta iyo gelinta Ilkaha, kaasoo ay baahi weyn u qabeen bulshadda magaaladaasi.

Qaybtaasi oo ay ah mid ay bulshadu baahi weyn u qabeen oo muhiim ah, isla markaana qalabkii lagaga shaqaynayay oo aad u casri ahna la keenay cusbitaalka, taasoo maanta xadhiga laga jaray.

Sidoo kale waxaa qaybtaasi cusub qayb ka ahin  dhakhaatiirtii ka shaqaynayayna la keenay, iyadoo addeegaasi uu ka kooban yahay kabista Ilkaha, buuxinta, saarista, iyo sifaynta oo qiimo aad u jaban ah.

Sida ay sheegtay agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood Fahiima Jaamac Faarax, oo hadal ka jeedisay munaasibad loo qabtay xadhig ka jarista qaybtaasi cusub ee ay soo kordhiyeen.

Waxaana addeega cusub ee cusbitaalka guud ee Laascaanood lagu soo kordhiyay xadhiga ka jaray badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ay wehelinayeen agaasimaha cusbitaalka, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool iyo masuuliyiin kale.

 

DAAWO: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here