Abwaan Weedhsame oo Jariimad Ku Tilmaamay Dilka Abwaan Jaamac Kadiye

0
4381

Hargeysa (Hargeisa Press)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame oo ka mid ah Abwaanada Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay Geerida Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo la sheegay in uu ku geeriyooday duqayn ka dhacday Laascaanood.

Abwaan Weedhsame oo qoraal ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facbook-ga oo ay soo xigatay Shabakada HargeisaPress, ayaa waxaa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi duqayn lagu dilo isaga oo Cimri ah.

Abwaan Weedhsame, ayaa waxaa uu ugu horayn tacsi u diray ehelka iyo ubadka, Abwaan Jaamac Kadiye, isagoona alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

“Waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkiisii iyo ubadkiisii, Allena waxan uga rajaynayaa inu naxariistii janno ka waraabiyo.” ayuu yidhi Abwaan Weedhsame.

Weedhsame, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sidii ay shalay bahalnimada u ahayd in Hargeysa la duqeeyaa, ay maantana bahalnimo u tahay in Laascaanood la duqeeyo, sida uu ku hadalka u dhigay.

“Siday shalay Bahalnimo u ahayd in Hargeysa la duqeeyaa, ayey maantana bahalnimo u tahay in Laascaanood la duqeeyaa” ayuu yidhi.

Abwaan Weedhsame, ayaa waxaa uu sheegay in Abwaan Jaamac Kadiye duqaynta lagu dilay isaga oo Cimri ah oo weliba shacab ah, waxaanu ku tilmaamay dilkiisa inay tahay jariimad.

“Allaha u naxariisto Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi. Waxa duqayn lagu dilay isaga oo Cimri ah oo weliba shacab ah, waana jariimad” ayuu yidhi Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame.

Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ka soo horjeeday joogitaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood, ayaa geeridiisa waxaa sababay aan la cadayn karin marka laga yimaado in la shaaciyay geeridiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here