Berbera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay qaabka uu doonayo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.
Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in aan la dafiri karin khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, balse wuxuu xusay in aannay khilaafaadku noqon kuwa qaranka ka leexiya jidkii iyo qorshihii horumarkii ay ku soconay.
โKhilaafaadka siyaasadeed ee jiraa maaha kuwo aynu dafiri karo, waynuna damainaynaa insha Allaah, laakiin innaga duwi maayo oo khilaafaadku innaga jeedin maayo himmiladeena ah inuu dalkeenu hore u maro, dhinacwalba, hadday tahay sidii dalku u heli lahaa aqoonsi ee u noqon lahaa qaran jira, dagaal kasta oo laynala galaa taas innaga duwi maayo.โ ayuu yidhi.
Madaxweyne Biixi, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay munaasibada uu kaga qaybgalay magaalada Berbera oo loo qabtay 65 Arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda culuumta Badda iyo kalluumaysiga ee Berbera, kuwaas oo ahaa dufcaddii 8-aad ee ka baxda jaamacadda.
Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin xukuumad ahaan cid walba oo khalad u fahantay khilaafkaa oo ka soo noqota ay diyaar u yihiin in la wadada hadlo oo nabad wax lagu xaliyo.
โWaxaan diyaar u nahay in nabad lagu xaliyo wax kasta oo khilaaf ah, waxaan diyaar u nahay in nabad lagu xaliyo cid walba oo khalad ka fahantay oo kasoo noqota khilaafka, waxaan diyaar u nahay in nabad lagu xaliyo wixii khilaaf ahโ ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.