Itoobiya oo Ciidan Ilaalo U Ahaa Ka Qaadday Madaxweynihii Hore Amxaarada

0
864

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda federaalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay ilaaladii gaarka ahayd ka qaadday maanta Madaxweynihii hore ee deegaanka Axmaarada Xildhibaan Gedu Andergachew oo ka mid ah Baarlamaanka Itoobiya, kaddib markii uu si adag uga soo horjeedsaday xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaankiisa.

Xildhibaan Gedu, waxa uu ku tilmaamay xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Amxaarada mushkilad horleh oo ay dowladda Abiy Ahmed gelinayso waddanka Itoobiya.

Wararka, ayaa sheegaya in dowladda federaalku ay maanta ka qaadday Gedu ilaalo gaar ah oo la joogtay Gurigiisa Addis Ababa oo sugaysay amnigiisa, maaddaama oo uu xilal waaweyn ka soo qabtay waddanka.

Arrintan, ayaa imanaysa kadib markii uu khudbad aad u kulul oo buuq badan ka dhex dhalisay Golaha Baarlamaanka toddobaadkan ka doodayeen ansixinta sharciga degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Axmaarada.

Gedu, ayaa eed kulul u jeediyay Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee Barwaaqo, isagoo ku sheegay in wax walba ay isku dayayaan inay qori caaradii ku xalliyaan, halkii ay siyaasad wax ku xallin lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here