Abwaan Taban-taabo Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

0
1037

Muqdisho (HP): ALLE ha u naxariistee waxaa xalay magaaladda Muqdisho ku geeriyooday abwaan Maxamed Warsame Ibukar, oo ku magac dheeraa Taban-taabo kana tirsanaa abwaaniinta Soomaaliyeed.

Waxaanu abwaanka  ku geeriyooday cusbitaalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho oo uu beryahan  xaalad caafimaad darro u jiifay.

Abwaan Taban-taabo, ayaa intii uu noolaa curiyay suugaan kala duwan oo isugu jirta heeso waddani ah, gabayo, riwaayado iyo maansooyinba.

Heesaha caan baxay ee dhinaca waddaniyadda ee uu abwaan Taban-taabo curiyay waxaa ka mida heesta caanka ah ee geesiga Birrta ah, taasoo ay qaadi jirtay fanaanadii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Magool.

Heestaasi oo uu abwaanku curiyay xiligii uu socday dagaalkii u dhexeeyay dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya sanadihii 1977-kii ilaa 1978-kii, waxaa erayadeedda ka mida.

“Geesigaa birrta ahee

Baaruudda qaraxdiyo

Gumuca u badheedhoow.

Haddii uu biciid jabo

Ma hawaysto boodee

Haan boosa yaan lagaa tolineey”…

Suugaanta uu abwaan Taban-taabo ALLE ha u naxariistee curiyay intii lagu jiray bur-burka waxaa ka mida gabaygan jacburka ah oo uu ku hogo tusaalaynayo sida ay dawlad la’aantu u saamaysay dhinac kastoo ka mida nolosha bulshadda Soomaaliyeed.

“Aboorr madax ah, Jinac wada askara

Shinni amaah doonna, Ud-bo dad ah

Erga-na loo dirsaday, Lana af-duubaayo.

Orgi duqa, Arrimo loola tegay

Dibi-na eegaayo.

Aqal xidhan, eed lagu dhex furay, Awr ka talinaysa.

Awoow gaban ah iyo Ubad cirro leh

Aabo kaba sii yar.

Ibo da’ayanaagaha irmaan, Odayo nuugaaya.

Aqli gaaban, Iimaan guracan

Aragti hoosaysa, Ummad yahay

Amuuraha kan jira, Saw ma aragtaan”.

Geesta kale ALLE ha u naxariistee abwaan Maxamed Warsame Taban-taabo, ayaa bulshadda Soomaaliyeed aad ugu guubaabin jiray in ay ka tagaan qabyaaladda. Kana shaqeeyaan sidii dalka loo dhisi lahaa, nabad-na looga dhalin lahaa.

Dhinaca kale golaha abwaanadda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay ummada Soomaaliyeed iyo bahda abwaanadda ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee abwaan Taban-taabo.

Guddoomiyaha golaha abwaanadda Soomaaliyeed Xirsi-dhuux Maxamed Weheliye, oo ka hadlay geeridda abwaan Taban-taabo, ayaa ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka baxay.

Isagoo abwaanka geeriyooday ku sifeeyay in uu ahaa qof halyay ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here