Abwaan Jaamac Kadiye oo Ku Geeriyooday Duqayn Ka Dhacday Magaalada Laascaanood

0
2440

Laascaanood (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye Cilmi, ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Laascaanood, iyadoo la sheegay in uu ku geeriyooday duqayn ka dhacday Laascaanood.

Geerida alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, ayaa waxaa xaqiijiyay ehelkiisa.

Abwaanka, ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo ka mid ah ay gayiga Soomaalida ka caan baxeen.

Geerida Abwaanka waxaa sababay lama cadayn karo marka laga yimaado in la shaaciyay geerida abwaanka.

Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, ayaa waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ka soo horjeeday joogitaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood.

Haddaba waa kuma Abwaan Jaamac Kadiye?

Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood oo maanta uu ku geeriyooday, abwaanka waxa uu ku jiray da’aadda 70-meeyada, abwaanka ayaa ka gabyi jiray idaacdihii Soomaalida ee Radio Hargeysa iyo Radio Muqisho 1972-dii xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.

Abwaan Kadiye Jaamac, ayaa waxa uu gudbin jiray suugaan diini iyo dhaqanba leh oo isugu jirta Gabay iyo geeraar iyo kuwa kaleba, waxa uuna ku hadli jiray luuqadaha Soomaaliga Carabiga iyo Ingiriiska.

Abwaanka, ayaa dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-dii waxa uu ka tiriyay gabayo badan oo uu Soomaalida ku wacyi gelinayo midnimo isagoo ku dhiirri gelinayay in ay isku duubnaadaan isla markaana muujiyaan wadaniyaddooda.

Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye, ayaa u baxay safarro badan oo xagga dibadda ah kuwaasi oo uu kaga qayb galay bandhig dhaqameedyo uu ku soo bandhigay suugaan badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaalida.

Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ay saaxiib dhow ahaayeen Abwaan Jaamac Kadiye tan iyo 1971-dii, ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xuususan doono abwaanka.

Abwaan Xaashi ayaa yidhi “ Abwaan Kadiye waxa uu ahaa saaxibkay in kabadan 50 sano waxaa lagu xusuustaa wadani-nimo iyo dal jacayl, waxa uu necbaa in uu dalka ka tago, waxa uu dadka ku dhiirri gelin jiray midnimada iyo dal jacaylka”.

Abwaan Xaashi ayaa sidoo kale yidhi “ abwaanka waxaa lagu xusuusan doonaa suugaan ay dhageysato Soomaalida oo idil meel kasta oo ay joogaan, yar iyo weynba, waxa uu dadka ku wacyi gelin jiray ku dhagganaashaha diinta iyadoo uu caan ku ahaa gabayada wacdiga ah”.

Abwaan Cismaan Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “maalmihii ugu dambeeyay Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ka shaqeynayay midnimada iyo isku duubnida ummadda Soomaalida.

Abwaan Jaamac Kadiye, ayaa lagu xusuustaa mid ka mida gabaydiisii aadka u caan baxay ee uu kaga hadlayo in qofkasta oo dunida awood ku leh mar uun uu ka tegi doono, waxaa uuna gabaygaasi ku muujiyay wacyi gelin ku saabsan sahayda aakhiro.

Weli lama xaqiijiin halka lagu aasi doono Abwaan Jaamac Kadiye iyo goorta uu dhacayo aaskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here