Trump oo Weerar Culus oo Xagga Afka Ah Ku Qaaday Ilhaan Cumar

0
511

Minneapolis (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota weerar culus oo xagga afka ah ku qaaday Ilhaan Cabdullaahi Cumar, oo ah wakiilka aqalka Congress-ka ee gobolkaas laga soo doortay.

Trump, oo u muuqday inuu markan Ilhaan ku bartilmaameedsaday gobolka hoyga u ah gudihiisa, ayaa halkiisa kasii waday dhaliilaha uu u jeedinayo siyaasiyadda kasoo jeedda Soomaaliya.

Wuxuu dadka reer Minnesota ku canaantay sababta ay wali raalli uga yihiin inay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee la yidhaahdo Ilhaan Cumar waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11 ee lagu soo qaaday waddankeenna, sided ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota, aniga aad baan idiinka cadheysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu yidhi Trump.

Hadalka Trump ayaa qeyb ka noqonaya dagaalkii qadhaadhaa ee isaga iyo Ilhaan u dhaxeeyay tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtayba.

Hore waxay Ilhaan iyo Trump warbaahinta iyo baraha bulshada isku mariyeen eedeymo iska soo horjeeda, wuxuuna midba kan kale ku eedeeyaa inuu cadow ku yahay shacabka Mareykanka.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here