Abiy Axmed oo cadeeyey siday uga go’an tahay hirgelinta heshiiskii Somaliland

0
3895

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa waxaa uu maanta mar kale ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay dowladiisa in la hirgaliyo heshiiskii is afgarad ee uu la saxeexday Somaliland.

Raysal wasaaraha Itoobiya oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Itoobiya, ayaa  sheegay in hiigsiga Itoobiya uu yahay sidii ay iskaashi dhammaystiran ula yeelan lahayd dhammaanba shucuubta dunidda.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in xubinnimada Itoobiya ay ka heshay kooxda BRICS inay tahay fursad muhiim u ah horumarinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku celceliyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu si nabad ah ku galo marin biyoodka badda cas.

Waxaanu iftiimiyey in marka uu Somaliland la saxeexdo heshiiskaas oo 50 Sannadood ah ay fursad u siinayso in Itoobiya ay kaalin ku yeelato badda cas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo  Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa 1dii bishii January ee sannadkan kala saxeexday heshiis is fahan, kaasi oo ku wajahan in Somaliland ay 20km oo saldhig millateri ah ka kirayso Itoobiya, iyadoo Itoobiyana noqon doonta dalka koowaad ee ku dhawaaqa aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here