Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu yaraantiisii ku barbaaray kuna hanaqaaday kililka shanaad ee itoobiya halka uu xiligii dhalinyaranimadiisii uu ku qaatay magaalada hargeisa halkaas oo uu la shaqayn jiray dawaladihii reer galbeedka ee dagaal waynihii labaad ee dunida isku hayay…
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed shaqooyinkiisii bulsho iyo nabadeed waxaa ka soo bilaabay dalka itoobiya halkaas oo uu la soo shaqayn jiray dawladihii kala danbeeyay ee dalkaas ilaa boqortooyadii xayle salaase ilaa taliskii mingiste. Suldaanku muu ahayn siyaasi ee waxaa uu ahaa oday dhaqan oo nabada iyo horemarka bulshada ka shaqeeya…
1955 ayaa isaga oo jooga itoobiya loo doortay inuu noqdo caaqil, 1961kii ayuu Boqor xayle salaase qasrigiisa ku casuumay isla markaana ka dhigay Baranbaraas oo ahayd darajo uu boqorka oo kaliyi siiyo cida uu u arko inay dadaashay…..1964 ayaa loo doortay inuu noqdo Suldaanka Guud ee beesha gabilay, 1969kii waxaa uu mar labaa Boqor xayle salaase qasirigiisa boqortooyada ku gudoonsiiyay darajada fitawaraar oo ahayd darajo kale oo uu isla boqorka oo kaliyi bixiyo…
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu soo qabtay xilal badan oo dhaqan oo kala sareeya, waxaana sanadihii lixdamaadkii loo doortay inuu noqdo Suldaanka Guud ee Beesha Jibriil abokor taas oo uu ilaa 40kii sano ee ugu danbeeyay ku soo shaqaynayay…
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu sanadihii todobaatanaadkii ka bilaabay dalka Somalia shoqooyinkiisii bulsho iyo nabadeed…
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee abaabulay ama abuuray jabhadii afraad ee gobolada woqooyi ee aakhirkiina isku rogtay, dhaqdhaqaaqii xoreynta Somalia ee SNM…
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed wuxuu xabsiyada kala duwan ee dalka Somalia ugu xidhnaa taliskii maxamed siyaad bare, halkaas oo uu ku xidhnaa ilaa xiligii burburkii dawladii maxamed siyaad bare.
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed markii la soo daayay waxaa uu markiiba ka qayb qaatay dhaqdhaqaaqii iyo hawlgaladii gobolada woqooyi ka socday ee ay SNM hormoodka ka hayd, gaar ahaan dib u xoreyntii, dib u dhiskii, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo taabo galka ilaa manta lagu naaloonayo.
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ka mid ahaa shirgudoonkii guud ee shirwaynihii aayo ka tashiga beelaha gobolada woqooyi somaliland 1993 ka dhacay magaagalada boorama, halkaas oo lagu soo dhisay dawladii labaad ee dalka jamhuuriyada Somaliland ee madaxda ka ahaa Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, sidoo kale waxaa uu shirgudoon ka haa shirwaynihii sadexaad ee beelaha Somaliland ee 1996-97 dib loogu soo doortay madaxweyne maxamed ibrahim cigaal.
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ahaa xubin sare ka tirsan golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland.
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu kaalmaha hore kaga jiray odayaasha faro ku tiriska ah ee loo triyo nabadeynta iyo xasiloonida ay manta dadka reer Somaliland ku naaloonayaan.
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ahaa dadkii ugu horeeyay ee qaatay go’aankii xereynta hubkii beelaha Somaliland gacanta ku hayeen sanadihii sagaashamaadkii, halkaas oo beesha uu suldaanka u ahaa gudoonsatay noqotayna beelihii ugu horeeyey ee hubkoodii ku wareejiyay gacantii dawladii maxamed ibrahim cigaal. Taas oo aabuurtay aaminka iyo ilaa manta dhexyaal dawalada iyo dadka reer Somaliland.
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa uu ifka kaga tagay tafiir ilaa boqol qof ku dhaw, taas oo ka kooban 14 (lix gabdhood iyo sided wiil) iyo dadkii ay sii dhaleen, suldaanku wxuu guud ahaanba guursaday Sadex dumar ah oo labana nool yihiin midna hore u geeriyootay.
Suldan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed waxaa lagu xasuusan karaa guud ahaan kaalintii firfircoonayd ee uu ka qaatay dib u dhiskii qarankan jamhuriyada Somaliland iyo gaar ahaan Daacadnimadii iyo hawl karnimadiisii
Dulqaad badnaantii iyo dabeecad wanaagiisii Danayntii danta guud
Fakirka qaranimo oo qabyaaladi ka dheertahay….
ILAAHAY HA U NAXARIISTO OO JANADII FARDOWSA HA GEEYO INSHA ALLAH ……AAMIIN ……AAMIIN
Fiirogaara: taariikh nololeedkan kooban waxa la diyaariyey geeridii suldaan cabdiraxmaan ilaahay ha u naxariistee, Markaa dadka kale ee taariikhdiisii oo aad u badnayd oo waliba qiimo badnayd hayaana way nala wadaagi karaan si aan uga faaiidaysano una xusno qiimaha dadkeena reer somaliland iyo salaadiintooduba lahaayeen.
Xigasho: jaaliyadda reer gabiley ee scandanevian
Dr. Osman Yusuf Magan.
Eng. Adam Yusuf Alin