Aas Qaran oo Maanta Loo Sameeyay Xildhibaan Axmed Cabdi Casood

0
888

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyay ale ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland.

Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka qayb galay aaskiisa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaano ka tirsan labada golle ee Wakiilada iyo Guurtida.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa guud ahaanba qaranka Somaliland gaar ahaana Qoyskii qaraabadii ehelkii iyo golihii Wakiilada ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyey geerida Marxuum Axmed Cabdi Kaahin oo qaranka xilal kala duwan kasoo qabtay, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu laba jeer soo noqday Xildhibaan sidoo kalena soo qabtay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, waxaana uu xusay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo tacab badan soo geliyey qaranka.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here