24 Sanno: Aqoonsiga Somaliland Maxaa Hortaagan? Qallinkii : Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan

0
1157

HargeisaPress — Muddadii 24 ka sannadood ahayd ee Somaliland dib ula soo noqotay dawladnimadeeda waxa u qabsoomay horumar iyo waxqabad bulshada caalamku u riyaaqday. Waxaa dib loo unkay nidaamkii dawladnimo (Fulintii, sharci dajintii iyo Garsoorkii), ciidamadii kala duwanaa, lacagtii iyo sharciyadii dalka, waxaa si baaxad leh u dhismay magaalooyinkii dalka, gacansigii, waxbarashada iyo dhamaan calaamadihii dawladnimo iyadoon caawimo ka helayn haba yaraatee beesha caalamka (World Bank  IMF). Waxay Somaliland ku guulaysatay dhismaha nidaamka xisbiyada badan iyo  un-kidda dhamaan hay’adihii dimuquraadiyada salka u ahaa – doorashooyiin xor iyo xalaal ah oo is xiga ayaa si habsami leh u qabsoomay kuwaasi oo natiijooyinkoodii loo aqbalay si aan turxaan lahayn oon ka dhicin gobolka Geeska Afrika. Wada shaqayn buuxda ayay Somaliland la leedahay beesha caalamka – waxaa loola macaamilaa sidii Dawlad goosasho rabta (De Facto State) oo taageero caam ah helaysa isla markaana leh awood ay ku fuliso adeegyada dawladeed ee ay siinayso bulshadeeda oo leh dhul cayiman oo ay soo maamulaysay wakhti dheer (Alexis, 2008) . Waxay Somaliland buuxisay arragtida dawladnimo ee ka soo baxday shirweynihii Montevedoe kaasi oo sheegayay in dawladnimadu ay lahaato b) Dad rasmi ah t) Dhul j) Dawlad x) iyo awoodo ay ku gali karto xidhiidho caalami ah oo ay la gasho dawladdo kale (Shinn 2002, Bryden 2002).

 

Sidaasi oo ay tahay haddana, 24 sanno kaddib wali ma aysan helin aqoonsi dawladnimo buuxda (De jure Recognition) – waxaa haddaba lagama maarman ah in aynu is waydiinno maxaa sababay arrintaasi ee Soomaaliland beesha caalamka uga heli wayday aqoonsi Caalami ah?

 

Arrimo badan oo isku tagay ayaa sabab u ah arrintaasi oo aynu ka xusi karno; Arrimo xagga sharciga caalamiga ah, arrimo dhanka gudaha Somaliland ah iyo arrimo xagga dibadda ah. Qoraalkaygan hoose waxaan kaga hadli doonaa arrimahaasi.

 

Arrimaha Sharci ee caqabadda ku ah aqoonsiga Somaliland

 

Inta badan waddammada dunidu ma fahamsana ama waa uu yar yahay fahamka ay ka qabaan in  dawladdii Jamhuuriyadda Soomaalidu (Somali Republic) ay ka koobnayd laba waddan oo si aan sharci ahayn ku midoobay markii ay xorriyadda ka qaateen gumaystayaashoodii (Ingiriiska & Talyaaniga). Aqoonsiga ay dunnidu u aqoonsatay Dawladdii Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Soomaalida in ay tahay dawlad kaliya ayaa sababtay in Somaliland lagu tiriyo Kooxaha goonis goosatada ah (Secessionist Groups), kuwaasi oo sharciyan aanay Somaliland ka mid ahayn – waayo Somaliland ma aysan goosan ee waxay dib uga soo noqotay midow ay kala kulantay mashaakilaad dhinacyo badan leh oo ay si iskeed ah hore u gashay, 1991-kiina ay si iskeed ah uga soo baxday (Withdrawal). Waxay u egtahay in muddadii yarayd ee Somaliland ay madax bannaanayd (1960) iyo sharci la’aantii midowgii burburay ay sababtay in ay bulshada caalamku diiddo in ay aqoonsi u fidiso Somaliland. Diidi-taanka beesha caalamka ee dooda Somaliland waxay keentay in Somaliland lagu dabbaqo Sharciga kooxaha gooni goosadka raba (Secessionist Law) kaasi oo aan isna ahayn in lagu dabbaqo Somaliland maadaama oo ay hore u ahayd dawlad madax banaan oo la midawday dawlad kale.

Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan
Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan

Dhinaca kale, Mabda’a uti-possidetis oo ah mabda ku xidhiidhsan arrinta helitaanka madax-bannaanida, ujeedadiisuna tahay in laga hor tago samaysanka dawlado cusub oo ka go’aya dawladdo hore u jiray oo ku fadhiya xuduudihii gumaysiga (Jacquin, 1999) ayaa isna ka mid ah mabaa’diida sida khaladka ah loo turjumayo ee hortaagan aqoonsiga Soomaaliland maadama Soomaaliland ayna rabin samaysan ka xuduudo cusub balse ay ku fadhido xuduudihii gumaysiga ee mabda’ani gaadhka ka hayay. Mabda’ani waa mid ka uu ku salaysan yahay sharciga ururka midawga Afrika (African Union) – uti-possidetis waa mabda’a ka tirsan sharciga caalamiga ah oo odhanaya “Haddii qaran dumo, dhulkiisii & hantidiisii kale isaga ayay u sugnaanayaan haddii aanu jirin heshiis kale oo cadaynaya hantida iyo dhulka cidda la wareegaysaa”. Mabda’ani wuxuu dhulka Somaliland ku fadhido dhul ahaan u sugayaa in ay leedahay Jamhuuriyaddii Soomalidu (Somali Republic) ee burburtay, Somaliland oo la midawgeedii ka noqotayna waxay u yaqaannaan dawlad goosasho rabta oo ay ku dabbaqayaan sharciga caalamiga ah ee goostayaasha. Ku dabbaqidda sharciga kooxaha gooni goosata ahi wuxuu keenay in si khalad ah loogu dabaqo Somaliland mabda’a Uti-possidetis kaasi oo suuro-galiyay in Ingiriiska iyo waddammada reer galbeedku ay ku doodaan in aanay faro galinayn isla markaana ay dhawrayaan sharafta iyo lahaanshiyaha dhuleed (Territorial Integrity) ee Jamhuuriyaddii Soomalida ee burburtay, sidaasi darteed ayna aqoonsi u fidinayn Somaliland balse danahooga ay si laba dhinac ah uga wada hadlaan.

 

Dastuurka ururka midawga Afrika wuxuu sheegayaa in ururku ku shaqayn doono maba’adiidan; Qodobka 4aad, farqadda (b) ixtiraamidda xuduudihii jiray wakhtigii madaxbannaanida gumaysiga laga qaatay. Sharciyan taasi ayaa waxa la odhonayaa waa mabda’a Uti-possidetis kaasi oo ah mid  uu dabbaqay ururka midawga Afrika, sidaasi darteed haddii sida saxda ah loo fasiro ee mabda’ani ugu qoran yahay dastuurka Afrika isla markaana Somaliland aan lagu tirin kooxaha goostayaasha ah mabda’ani uti-possidetis wuxuu Somaliland u yahay mid faa’iido badan u leh maadaama oo ay Somaliland ka arrimiso xuduudaheedii gumaysigu u dhigay ee waafaqsan dastuurka ururka midawga Afrika iyo Mabda’a Ilaalinta xuduudihii gumaysiga. Markii qodobkaasi 4aad ee dastuurka ururka Afrika loo codaynayay waddamadii diiday waxa ka mid ahaa Jamhuuriyaddii Soomalida, Ghana, Morocco & Togo oo loolan adag ka galay in la xurmeeyo lana aqoonsado xuduudihii gumaysigu dhigay (Jacquin, 1999) iyagoo mid waliba danahiisa siyaasadeed ka eegayay. Dastuurka midawga Afrika ayaa lagu tirinayaa in uu yahay caqabadaha hor taagan aqoonsiga Somaliland maadaama qodobka ah “Ururka Afrika wuxuu ixtiraamayaa xuduudihii gumaysigu Afrika u dhigay” aan si sax ah ururku u fulinayn – maadaama Soomaaliland aysan ku doodayn xuduudo cusub oo ka duwan kuwii gumaysiga.

 

Qodobka sharci ee isna caqabada ku ah aqoonsiga Somaliland wuxuu yahay xurmadda dhuleed iyo madaxbannaanida ee dawladdii burburtay ee Jamhuuriyadda Soomaalida (Territorial Integrity & sovereignty of Somali Republic). Beesha caalamku waxay ku doodaysaa in ay ilaalinayso xurmada dhuleed ee dawladdii burburtay taasoo ay is diidsiinayaan ama aanay ogayn halkii ay ka timi dawladdaasi. Dawladdaasi waxay ka koobnayd laba dawladdood oo Madax banaanaa oo laba gumayste oo kala duwani soo xukumeen (Talyaaniga & Ingiriisku) oo si aan sharci ahayn balse ikhtiyaar ku dhisan u midoobay, wakhti xaadirkanna Somaliland ay iskeed uga noqotay. Aqoonsiga Somaliland saamayn ku yeelan maayo xurmada dhuleed ee dawladdii talyaanigu gumaysan jiray waayo horeba xuduud mucayin ah oo gumaysigu dhigay oo waafaqsan doodda ururka Afrika ayaa jiray isla markaana waxa qayb ka ahayd (Italian Somaliland) heshiiskii lagu abuuray dawladdii burburtay ee Jamhuriyadda Soomaalida.

 

Caqabadda sharci ee iyana jirta in la xusaa waxay tahay, beesha caalamka oo Somaliland ka filaysa/filaysay in ay u marto aqoonsi raadinteeda habka ay u maraan kooxaha goostayaasha ahi (Secessionist groups) oo ah in si laba dhinac ah looga wada hadlo goosashada oo ay dhex marto kooxda goosanaysa & dawladda laga goosanayo (Bilateral Secession) – waa habkii ay u mareen Ereteria iyo South Sudan aqoonsi raadintooda – nidaamkani waa ka ay Somaliland hada ku bilawday wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Bilawga wada hadaladani waxay muujinayaan in ay Somaliland aqbashay ku tirintii beesha caalamku ay ku tirinaysay kooxaha goosatayaasha halkii ay hore ugu doodaysay in ay ka noqotay heshiis aan sax ahayn oo midaw lagu hungoobay keenay (Withdrawal of the Union).

 

Sharciga Goostayaasha ee caalamiga ah ee lagu dabbaqi lahaa goostayaasha ka go’aya dawladaha guul darraystay (Failed States) ayaa isna ka mid ah arrimaha sharci oo dib u dhigay aqoonsiga Somalilad. Sharciga caalamiga ah ee u ogolaanaya dadku in ay aayahooda ka tashadaan (Law of Self-Determination) oo laga soo min guuriyay sharciga goostayaashu (Law of Secession) isna ma ahan mid qaan gaadh ah ama dhamays tiran sidaasi darteed Bulshada caalamku waxay isku raacday in aan lagu dabbaqin Sharciga goostayaasha dawladaha fashilmay (Bunchanan, 1998). Hadaba Somaliland sharcigee ayaa lagu dabaqayaa haddi lagu daray goostayaasha isla markaana ay Somaliland ka go’ayso dawlad fashilantay – waa arrimaha sharci ee dib u haya aqoonsiga Somaliland.

 

Arrimahaasi sharci ee dib u haya aqoonsiga Somaliland kasakow – waxa Somaliland looga baahan yahay in ay go’aansato midka ay qadiyadeedu ku salaysan tahay, ma waxay ka go’aysaa Jamhuuriyaddii Soomaaliya (Secessionist) mise waxay ka noqonaysaa oo ay ka baxaysaa heshiiskii lagu hungoobay ee midawga (Withdrawal of the Union)?. Suaalahaasi marka jawaab sax ah loo helo ayaa waxaa caddaanaya shuruucda Somaliland ay kula doodi karto beesha caalamka maadaama xaalad waliba shuruuc iyo mabaa’dii gaar ah leedahay.

 

Dannaha siyaasadeed ee Beesha Caalamka & Aqoonsiga      

                

Somaliland waxay ku taal goob muhiimad weyn u leh gobolka, sidaasi oo ay tahay ma jirto danayn siyaasadeed oo ka soo muuqanaysa dalalka dunnida ka arrimiya. Sida South Sudan, Somaliland ma soo saarto saliid iyo khayraad kale oo qaali ah isla markaana waa dal 100% Muslim ah.

 

Ururka midawga Afrika wuxuu arrinta aqoonsiga Somaliland u arkaa in ay dabka ku sii hurinayso isla markaana ay dhiiri galinayso gooni goosatooyin faro badan oo Afrika si isdaba joog ah uga bilaabma iyo in dagaalo hor leh oo qabiilooyin iyo xuduudo ku salaysani ka bilaabmaan qaaradda, waayo inta badan wadamada Africa waa dalal ka kooban bulsho qabiilooyinkoodu ku kala nool yihiin isagana gudbaan xuduudaha waddamo badan oo jaar ah.

 

Wadamada reer galbeedku arrinta aqoonsiga Somaliland waxay u arkaan in ay ka cadhaysiinayso asxaab badan oo ay ku leeyihiin gobolka isla markaana in arrintani ay sii burburinayso rejada Soomaaliya, sidaasi darteed arrinta Soomaaliland waxay isaga duwaan ururka Midawga Afrika. Waxay sida ay ku doodaan iska ilaalinayaan in ay xadhig daba furan ay noqoto arrinta aqoonsiga Somaliland oo ay dhiiri galiso kooxo kale oo gooni goosad ah oo Afrika ka bilaabma.

 

Danaha kala duwan ee dalalka Dunida iyo Afrika ay ka leeyihiin gobolka ayaa iyaguna ka mid ah waxyaabaha sababay in ilaa haatan la baadi goobo aqoonsiga Somaliland. Waddamada Afrika gaar ahaan Djibouti, Eretria, Sudan, Masar iyo dalweyaha carbeed ee Saudi Arabia waxay u arkaan arrinta aqoonsiga Somaliland in ay tahay arrin adhaxda ka jabinaysa danahooga gaar ahaaneed ee Soomaliya iyo Geeska Afrika. Balse si taasi ka soo horjeeda waddamada Kenya iyo Ethiopia waxay u arkaan aqoonsiga Somaliland in uu yahay mid soo afjaraya siyaasaddii xoogaysanaysay ee ay Soomaaliya ku lahayd geeska. Danahaasi kala duwan ee iska soo horjeeda ayaa arrinta Somaliland ka dhigay in aan lagaga doodin fagaarayaasha gobolka iyo duniduba ay ku arrinsadaan – Tusaale ahaan mar qadiyadda Somaliland la isku dayay in la hor keeno kulan madaxweynayaasha Afrika ku lahaayeen Addis Ababa – waxa si cadaan ah uga soo horjeedsatay Masar oo ah dawlad si weyn u aaminsan mabda’aha midnimadda Soomaalida – shirkaaasi waxay ku hanjabtay in ay ka baxayso haddii arrinta Soomaaliland la keeno aakhrikiina sidii ay Masar rabtay baa loo yeelay.

 

Daganaanshiyo la’aanta dawladda Soomaaliya ayaa iyaguna ka mid ah arrimaha waaweyn ee dib u dhigay aqoonsiga Somaliland – waayo Soomaaliya oo kaashanaysa beesha caalamku waxay la daalaa dhacaysaa xasilinta iyo cagaha u taagida dawladda.

 

October 2002 ayay ahayd markii wafti Masar ka socday Somaliland yimaadeen ee ay ugu hambalyeeyeen guusha ay gaadhay isla markaana uu ka codsaday Somaliland in ay ka qayb gasho shirkii Soomaaliya ee Imbigaati. Wakhtigaasi madaxweynihii Somaaliland wuu diiday ka qayb galkii shirkaasi isla markaana waftiga wuxuu xasuusiyay in Somaliland ay ahayd wadankii ay Masaaridu gumaysatayaashii ka mid ahayd – dawlad madaxbanaan oo aqoonsi caaalami ah raadinaysana ay tahay.

 

Arrimaha Gudaha & Aqoonsiga

 

Waa hubaal in Somaliland ay dhisatay nidaam iyo haykal dawladeed oo dimuquraadi ah isla markaana horumarinteedu wali si baaxad leh u socoto. Waxase jira arrimo doora oo ka jira gudaha Somaliland oo ay aad uga hadlaan wadamada iyo asxaabta Somaliland dunida ku leedahay. Tusaale ahaan gabadha safiirka uga ah dawlada Ingiriiska Mogadishu oo waraysi siinaysay Telefishanka Universal ayaa la waydiiyay muxuu Ingiriisku u aqoonsan waayay Somaliland, Harriot Matthew waxay tidhi

“Waxaynu ognahay in Somaliland guulo badan ay gaadhay xagga nabadda, dimuquraadiyadda iyo horumarka, marka se ay noqoto xagga aqoonsiga ma ahan UK kaliya ta ku dhawaaqaysa aqoonsiga, Ma odhanayno hala midoobo ama ha la aqoonsado waxaanu se taageeraynaa wada hadallada u socda labadooda – waxase jira waxyaabo badan oo ay tahay in laga shaqeeyo ka hor aqoonsiga sida gobollada khilaafaadku ka jiraan”

Waxaa Iyana jira arrimo kale oo haddii aan horumarin iyo hagaajin aan lagu samayn wiiqaya doodda Somaliland ee aqoonsi raadinta oo ay ka mid yihiin si xun u hirgalinta mabaa’diida dimuquraadiyadda; doorashooyin aan wakhtigooda ku dhicin, jiritaan la’aanta dimuquraadiyadda xisbiyadda dhexdooda ah, xisaabtan la’aan, musuq-maasuqa baahay iyo sinnaan la’aanta khayraadka  ee bulshada.

 

Waxaa iyana muuqata in dawladihii isku xig xigay ee Somaliland aanay ku guulaysan in ay si rasmi ah (Permanent Solution) u xaliyaan arrimaha gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag. Gobolka Sool waxaa isna wali laga sii isticmaalayaa lacagtii dawladii burburtay ee Jamhuuriyadda Soomaalida.

 

Gudaha Somaliland waxaa iyaguna ilaa hadda kaga shaqaynaya magaca Soomaaliya hay’addo badan oo dalka ku sugan, kuwaasi oo xidhiidhadooda iyo warbixinaha ay qorayaan ku gudbiya magaca Soomaaliya – tani waxay shaki ka galinaysaa beesha caalamka siday Somaliland uga dhab tahay arrinta aqoonsigu maadaama oo dhulkii ay xukumaysay arrimo noocaasi ay ka taagan yihiin – Waxaad maqlaysaa madaxa hay’addaasi ee Soomaaliya iyo Soomaaliland iyadoo aynu maqalno kaliya Madax hay’adeed oo loo soo magacaabay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, sida ninka hadda loo soo magacaabay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

 

Arrimo sidan oo kale ah oo doodahoodu adag yihiin ayaa ka dhex taagan China iyo Taiwan, iyadoo Taiwan ku doodaysa in urur kasta oo caalami ah oo ka dhex shaqaynaya gobollada Taiwan aanu isticmaali karrin magaca China – halka China isna taasi mid ka soo horjeeda uu ku amrayo ururada (Wen-Cheng Lin, 2013).

 

Doodo kale ayaa iyaguna jira oo odhanaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland aanay haysan awoodihii kaabayay ee ahaa dhaqaale, shaqaale khibrad u leh diplomaasiyadda, arrimaha dibadda & xidhiidhka caalamiga ah, siyaasadii hagaysay arrimaha dibadda dalka iyo qorshihii lagu raadinayay aqoonsiga. Aqoonyahannada qaarkood waxay ku doodaan in Somaliland ay tahay dal hiigsiga koowaad ee siyaasadiisa arrimaha dibaddu tahay aqoonsi balse aan lahayn hay’ad u gaar ah aqoonsi raadinta. Isbedelka faraha badan ee Madaxda Wasaaradda ayaa iyaguna ah arrimo doodo badani ka taagan yihiin.

 

Maxaa Somaliland la gudboon?

 

Si looga gudbo caqabadaha hor taagan aqoonsiga Somaliland waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo hay’adaha dawladeed ee ku shaqada leh aqoonsiga, lagu kabo dhaqaale ku filan hawshan baaxadda leh, khubaro xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda aqoon u lehna lagu lifaaqo oo qiimaysa isla markaana si heersare ah u soo bandhigta qadiyadda Somaliland iyagoo eegaya sharcinimadii midawgii guul darraystay ee Labada waddan isla markaana waadixinaya faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya- Khubaro darsa shuruucda ka soo horjeedda qadiyadda Somaliland isla markaana olole balaadhan ka gali kara shuruucda sida khaldan loogu isticmaalayo arrinta Somaliland (Teritorial Integrity, Law of Secession & Bilateral Secession).

 

In la diyaariyo Siyaasad Arrimo dibadeed oo qarankani yeesho iyadoo la wajahayo waddamada dantoodu ku jirto madax bannaanida Somaliland ee u dabacsan qadiyadda iyo in la dajiyo qorshihii diblomaasiyadeed ee qaranka si loogu guulaysto aqoonsi caalami ah.

 

In la abuuro DANNO SIYAASADEED oo aynu ka iibin karno dalalka dunida ku hor doobinayaa innagoo u caddaynayna muhiimadda halka ay Somaliland gobolka kaga taalo, muhiimada ay ammaanka geeska iyo dunidaba u leedahay Somaliland, kaalinteeda dahabka ah ee la dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda iyo la dagaalanka dhoofinta sharci darada ah ee dadka iyo muujinta khataraha kala duwan ee ku soo wajahan Somaliland haddii aan hore aqoonsi loo siin.

 

In qadiyadda Somaliland laga dhaadhiciyo  dawlada Ingiriiska oo xogta iyo macluumaadka ay ka hayso arrinta Somaliland aanay cid kale ka haynin isla markaana ah quwadaha hoggaamiya siyaasadda dunida iyadoo laga faaiidaysanayo asxaabta Somaliland ee Ingiriiska sida UKIP, xildhibaannada baarlamanka ingiriiska ee taageersan qaddiyada Somaliland, dawladaha hoose ee aqoonsaday Somaliland iyo ergeyga cusub ee Qaramada midoobay u soo magacawday Soomaliya oo ah nin taariikh-yahan. Waxa iyana muhiim ah in ay Somaliland xidhiidh xoog badan ay la yeelato wadamada Kenya, Ethiopia iyo Uganda oo xidhiidhkoodu horseedi karo aqoonsi buuxa – Looma baahna in wakhti lagu lumiyo dalal u arka in aad duulimaad ku tahay danahooda geeska sida Masar & Sucuudi Carabia.

 

Kaddib ka fiirsi iyo falaanqayn ku wajahan xeerarka caalamiga h ee qaddiyada Somaliland lagu dabbaqi doono waxaa muhiim ah xoojinta wada-hadalada Somaliya iyo Soomaaliland iyadoo ay goob joog ka yihiin awoodaha dunidu ayaa iyana lagama maarmaan ah – wada hadalo Turkigu hogaaminayaa horsed aqoonsi noqon maayo maadaama oo Turkigu isaga laftiisu la daalaa dhacayo Kurdiyiinta in ay ka goostaan raba ee uu diidan yahay. In la bilaabo lana xoojiyo dedaallo diblomaasiyadeed oo culays lagu saarayo IGAD iyo ururka midawga Afrika iyaguna waa lagama maarmaan.

 

Xoojinta arrimaha gudaha ee Somaliland iyadoo xoogga la saarayo sidii arrimaha gobolka Sool iyo bariga Sanaag ay u dhammaan lahaayeen iyo sidii bulshada ku nool gobolladaasi looga dhaadhicin lahaa qadiyadda Somaliland iyo ugu dambayn in ay Somaliland hagaajiso dawlad wanaagga, qurxiso dhammaan imkaaniyaadka dimuquraaddiyadda, la dagaalanka musuq maasuqa iyo kor u qaadidda adeegga dawladda, xoojinta, kobcinta dhaqaalaha bulshada, kor u qaadida is dhex galka bulshada, sugidda u sinaanshaha khayraadka dalka, caddaalada iyo horumarinta arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliland ayaa horseedi kara dedaallo midho dhala oo aqoonsi raadinta Somaliland jiho wanaagsan u riixaya.

 

 

Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here