War-saxaafadeed: Wasiirka Duulista Oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland + SAWIRRO

0
1023

HARGEISA, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaraada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxardiid ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Mr: Berhe Tesfay, oo ay la socdeen Saraakiil ka tirasan Safaaradaasi, dhinaca Wasaaradda waxa kulankan Wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Duulimaadyada .

SAFIIRKA ITOO

Waxana kulankaa lagaga wada hadlay sidii ay dawlada Ethiopia, Shaqaalaha Wasaaradda Duulista, iyo Kuwa Madaarada u siin lahayd deeq Waxbarso oo ah Tababaro Dhamaystiran oo u kala baxa.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Mr: Berhe Tesfay
Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Mr: Berhe Tesfay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1) Hawlgainta (Operations )

2) Amaanka (Security)

3) Dabdamiska ( Fire Fighting Training)

4) Saadasha Hawada (Metrology)

5) Adeega iyo Wararka Gaadiidka Cirka(Aeronautical Information Service Training)

6) Maamulida Madaarada (Airport Management Training)

7) Sida loo ilaayo wax soo sarka (Products for Safety)

DUULISTA

Waxa kale kulankan lagu soo qaaday, Xidhiidhka Labada Dal ka dhaxeeya iyo sidii loo sii kordhin lahaa,sidii Diyaarada Ethiopia Airline looga wada faaiidaysan laha, iyo sidii loo kordhin laha Diyaaradu tirada Duulimaadyada ay ku timaado Somaliland.

 

Alla Mahad Leh

Ismail ali Ahmed

Afhayeenka ahana Madaxa Xafiiska

Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here