Xuska Dhalashada Nabigeena Suuban SCW Oo Si Weyn Looga Xusay Hargeysa

0
1142

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xuska dhalashada Nabigeena suuban (NNKH), oo ku beegan maanta, ayaa si balaadhan looga xusay Magaalada Hargeysa.

Munaasibada xuska dhalashada Nabiga, oo u gaar ahayd Haweenka ayaa waxa lagu qabtay Mansoor Hotel, waxaana Munaasibadan oo si balaadhan loo soo agaasimay, halkaas lagaga hadlay taariikhda Nabigeena suuban ee Muxamed NNKH, waxaana halkaas laga sheegay fadligii iyo wanaagii badnaa ee aan la soo koobi Karin ee uu lahaa Nabigu, waxaana halkaas laga soo jeediyey qasidooyin Nabi amaan ah.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiiladu, oo isna ka hadlaya dhalashada iyo fadliga Nabiga, ayaa yidhi “Nabi Muxamed, waa Nabigii ugu dambeeyey Nabiyada uu ALLE soo diray, waa Nabiga qudha ee loo soo diray Caalamka oo dhan, waxaynu nasiib u yeelanay inaynu noqono umaddiisa, Diin dhamays tirsan buu ina soo gaadhsiiyey, Qiyaamaha isaga ayaa noo shafeeco qaadaya, markaas inaynu mar walba ku salino, oo aynu weynayno, oo amaantiisa badino, ayaa la inooga baahan yahay, in dhalashadiisa si balaadhan u xusno ayaa la inooga baahan yahay, maanta (shalay), haweenka ayaa xusay, beri (maanta), Ragga ayaa xusaya, markaas inaga oo aan soo koobi Karin wanaagii iyo fadligii uu lahaa Nabigeenu haddana inaynu mar walba xusno, oo aynu ku salino wanaagiisana ka sheekayno iskuna baraarujino ayaa la inooga baahan yahay”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here