Xukuumadda Oo Xoog Kula Wareegtay Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera, Maareeye Cusub Oo Ay Shalay Gaysay Iyo Ganacsatadii Oo Cadho Ku Maqan

0
822

Hargeysa , (HargeisaPress) —Gudidii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera ayaa shalay aroortii hore ku waabariistay Xarunta Haamaha Shidaalka Berbera si ay munaasibad xil wareejin ah halkaasi ugu qabtaan balse waxaan Goobta ka soo xaadirin oo aan iman Ganacsatadii Haamaha Gacanta ku hayay ee Berbera Oil Company (BOC).

Gudidan uu Madaxweynuhu u xilsaaray Soo celinta Haamaha Shidaalka Berbera ee shalay Halkaasi gaadhay ayaa ka koobnaa Wasiirka Horumarinta Ganacsiga iyo Warshaddaha Maxamuud Xasan Sacad Iidle(Saajin), Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud, Waxaanay markii ay halkaasi gaadheen ugu tageen oo qudha shaqaalihii ka hawlgalayay Xarunta Haamaha Shidaalka Berbera,iyagoo aanay goobta iman sidii la isku ogaa Ganacsatadii gacanta ku hayay Haamaha Shidaalka Berbera ee ay Xukuumaddan Cusubi dhawaan ku amartay inay Gacanta dawlada ku soo celiyaan,soo gudbistaanna Xisaab hufan oo ay ku cadaynayaan wixii kharash ah ee dayactirka Haamahaasi ka galay mudadii ay gacanta ku hayeen. Ganacsatada ayaa dalbanaya in loo celiyo lacago xad dhaaf ah oo ay sheeganayaan inay kaga baxday dayactirka Haamaha Keydka Shidaalka taasi oo ay doonayaa in lasiiyo haddiiba ay ku wareejiyanayaan dowladda.

HALKAN KA DAAWO:

Sida ay dhigayaan wararka aanu ka helnay  Hawlgalkaasi ay Xukuumaddu shalay ku qaaday Haamaha Shidaalka Berbera,waxa ay Guddidaasi wasiiradda iyo Masuuliyiinta kale iskugu jiray  gudaha Xarunta Haamaha Shidaalka ku galeen shir Albaabadu u xidhan yihiin oo ay Saxaafaddu dibad joog ka ahayd, kaasi oo la sheegay inay hawshii iyo shaqadii haamaha  Shidaalka ku wareejiyeen Maareeye Cusub oo ay Xukuumaddu u magacawday, iyagoo xilkii ka wareejiyay Maamulihii hore ee halkaasi joogay ee ay u dhiibteen Ganacsatada haamaha Shidaalka gacanta ku haysay ee Berbera Oil Group (Boc), kuwaasi oo sabab aan la garanayn shalay uga maqnaa Kulankaasi Maadaama oo ay ahayd maalintii ay Xukuumadda ku balansannaayeen innay Gacan ku haynta Maamulka Haamaha Gacanta Dawladda ku soo celiyaan.

Inkasta oo Hawlgalkaasi ahaa mid aan waxba laga siin Warbaahinta haddana waxa si kooban Warbaahinta ugu sheegay inay Xukuumaddu la wareegtay Shalay Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Cidin,kadib markii ay Warbaahintu Makarafoonka la boobtay Markii uu soo idlaaday Kulankii Gudida Dawladdu ku qabsatay Gudaha Xarunta Haamaha Shalay,waxaana uu si kooban u yidhi “Amarka Madaxweynaha Qaranka uunbaa shaqaynaya,siduu Madaxweynuhu amray in loo wareejiyana waa loo wareejinayaa, Dawladda ayaana la wareegaysa, waanna lala wareegay oo dawladda ayaa la wareegtay”. Ayuu si kooban u yidhi: Bishii hore ee August 11, 2018 ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Wareegto Madaxweyne Gacanta Dawladda Dib Ugu Soo Celiyay Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Iyo Baarkinka Madaarka Cigaal oo ay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo dad gaar ah ku naasnuujisay.

Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here