Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Sida Ay U Aragto Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Magacaabay Maxkamada Sare Ee Soomaaliya

0
805

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay sida ay u aragto masuulka cusub ee loo magacaabay maxkamada sare ee soomaaliya oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha bulshada Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa sheegay inaanay jirin wax shaqo ah oo Baashe Yuusuf Axmed u soo doontay inta uu og yahay.

Agaasime Ilkacase oo ka hadlaya warar sheegaya in shaqo loo diiday Baashe Axmed Yuusuf ayaa waxa uu yidhi “Baashe waxa shaqo ah oo uu wasaaradayada u soo doontay ma jirto taasna waxa sheegaya xisbi ayaabu xil ka hayey, qofkuna ilaa uu xisbiga iska casilo shaqo uma doonto.

meel balse laga yaabaa inay u jeedaan inuu wasaaradan agaasime guud ka ahaan jiray balse wax shaqo ah oo uu anaga noo soo doontay ma jirto.” Ayuu yidhi agaasime Ilkacase oo u waramay eryal tv.

Agaasime Ilkacase ayaa ka waramay aqoonta uu u leeyahay gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee soomaaliya Md Baashe Yuusuf Axmed waxaanu yidhi “Baashe waxa uu ahaa inan wanaagsan oo aqoonyahan ah anigana saaxiib ayaanu ahayn oo ismaan lahayn Xamar ayuu tagayaa xilna ka raadinayaa waayo Xamar hore umuu arag intaan ka ogahay, somaliland iyo soomaaliyana isku mid maaha, somaliland waxa taala siyaasad furfuran oo dimuqraadiyad ah  halkaasna siyaasada taalaa waa mid khatar ah markaa haddii ilaahay naftiisa uga badbaadiyo ayaabu buro sidaa ayaan aaminsanahay, anigana warwarka I qabtay naftiisa ayey noqotay ee maaha qaranimada somaliland, waayo somaliland kuwii hore uga tagayba way iskaga soo noqdeenba markii ay arkeen waxa ka jira koonfur, waayo Koonfuri maaha meel dadku u siman yihiin oo cadaaladi taalo, somaliland-na qof iyo qofaf ka taga waxba u noqon mayso.”

Ugu dambayn agaasime Ilkacase ayaa sheegay inay somaliland ka faa,iidaysanayso aqoonyahanada ay leedahay waxaanu yidhi “Somaliland dadka way ka faa,iidaysanaysaa waana laga faa,iidaynayaa laakiin mar walba xilalka siyaasiga ahi waa kuwo kooban dadkuna haddii ay wada doonaan ma heli karaan ee kolba cid ayaa haysa, midna madaxweynaha ayaa la waydiin oo Baashe in loo diiday guddida garsoorka laakiin anigu kama war hayo intaas loo diidayna.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here