“Xukumaddu Ha Ogaato Inaan Xaalad Abuur Looga Baahnayn Ee Looga Baahan Yahay Ansixinta Komishanka Iyo Xeerka Guurtidu Ku Fadhido”Musharax Xigeenka Ucid

0
967

Hargeysa, (HargeisaPress) — Musharax ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa Bulshada uga digay in arimaha siyaasadda looga jawaabo qaab Qabiilaysan, si aanay Xukumadda ugu suuro galin iska horkeenka Bulshada oo ay ku hawlan tahay.

Waxa uu sheegay inaan Xukumadda looga baahnayn fadqalalaynta Bulshada iyo amaanka dalka balse looga baahan yahay inay dabada ka riixdo Ansixinta Komishanka Doorashada iyo Xeerka Diwaangalinta ee Diwaangalinta.

Ugu horayn waxa uu Xukumadda uga digay Cabdirashiid Xasan Mataan  inay xaalad Abuurto “Xukuumaddu ha ogaato in aan xaalad abuur looga baahneyn ee laga rabo in ay baarlamaanka ka dalbadaan ansixinta Komishanka, guurtidana ka dalbadaan in sharciga ay ku fadhiyaan uu gudbo.”ayuu ku sheegay Musharax Cabdirashiid Xasan Mataan Farriin Uu Ku Daabacay Booggisa Facebook.
Dhinaca kale waxa uu Bulshada uga digay inaan doonista Xukumadda loo rumayn“Khaladaadka xukuumadda ma habboona in aynu qaab qabiil uga jawaabno si aynu uga badbaadno qorshaha xukuumadda ee ah iska horkeenka bulshada.“ayuu yidhi Musharax Cabdirashiid
Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu Xukumadda uga digay inaan Ciidanka Amaanka loo adeegsan Shacabka waxaanu yidhi “Xukuumaddu ha ogaato Qori la isku cabsiiyo iyo cabudhis midna laga aqbali maayo. Ciidanka amnigu noqon maayaan kuwo loo isticmaalo shacabkooda”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here