Xukumadda Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Dirtay Ra’isal Wasaare Cameroon

0
853

Addis ababa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay Raysal wasaaraha dalka Britain David Cameron, oo dib loo soo doortay markii labaad ka dib markii uu guul taariikhiya xisbigiisa muxaafidka ah  ee  Conservative-ku ka soo hooyay doorashooyinkii guud ee dalkaasi ka dhacay khamiistii.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo Wargayska Xukumadda ee Dawan la hadlay isagoo jooga Addis ababa ayaa yidhi “Waanu ku Hambalyaynaynaa Raysal-wasaaraha iyo xisbigiisaba guusha ay ka gaadheen doorashadaasi, waxaanay ahayd mid xisbiyo badani ku tartameen hase yeeshee xisbiga Conservative-ka  ayaa ku guulaystay. Aad iyo aad ayaannu  ugu hambalyaynaynaa,”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Doorashadaasi waxay ahayd mid si fiican u dhacday,  oo aynu wax badan ka baran karno, innaga iyo wadamada kale ee Afrikaanka ahiba, .  waxaanay tusaale fiican u tahay nidaamka dimuqraadiyadda iyo hanaanka isku tanaasulka, waana cashar iyo tusaale u baahan in lagu daydo,”Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here