Xukumadda Oo La Wareegtay Xarumaha Magaalooyinka Ee Waddani, Mudaharaad Burco Ka Dhacay iyo Magacyada Masuuliyiinta Waddani Ee Xabsiga Lagu Guray

0
914

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kadib markii Xisbigaasi Shalay ku dhawaaqay Muddaharaad Isniinta Maanta ka dhaca dalka.

Sidoo kalena Xukumaddu waxay la wareegtay Xarumaha guud ee Xisbiga Waddani ku leeyahay Magaalada Hargeysa, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo, iyadoo Magaalada Burco uu ka dhacay Mudaharaad ka dhan ah Muddo kordhinta Xukumadda loo sameeyay.

11214708_966265523397644_5272018701314550358_n

Hogaamiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa si adag uga soo horjeestay talaabada Xukumaddu Xisbigiisa ka qaaday iyo sidoo kale Muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Wakiilada iyo Xukumadda Siilaanyo.

Amniga Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Magaalada Hargeysa lagu daadiyay Ciidamo badan, kuwaasi oo Gaadiidka iyo dadka ka joojiyay jidadka gala Madaxtooyada. Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Booliska oo Ciidamo badan wata ayaa sidoo kale gaaf wareegayay Magaalada Hargeysa, balse wax Muddaharaad ah ayaan magaalada ka dhicin.

11012647_966265350064328_8320318968900750060_n

Magacyada Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Waddani Oo Xukumaddu xidhay oo kor u dhaafaya 60 qof.

1. Cali Cilmi Geele ( Hogaanka Sare Xisbiga WADDANI)

2. Ifrax Cumar Xasan (Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee heer Qaran)

3. Xasan Xuseen Codyare (Xoghayaha ilaalinta Hantida qaranka ee Xisbiga WADDANI)

4. Jamaal Hure (Gudoomiyihii Hore Gobola Dadmadheedh

5. Deeq Xirsi Canbuur

6. C/rahmaan Maxamed Rooble (Cabdi six)

7. Hassan Ahmed Muuse Goodaad ( Xoghayaha Xanaanada Xoolaha)

8. Amina jirde (Guddoomiyaha Waacyigaliinta ee Gobalka Marodi jeex)

9. Maryan Maxamuud Diriir (Xogeyaha Garabka Haaweenka ee Heer qaran)

10. Amaal Yuusuf Cabdi indha cad(Afhayaanka Garabka Haaweenka ee Heer qaran)

11. Mawlid muuse (gudoomiye kuxigeenka Gobalka Maroodi Jeex)

12. Maxamed Foore(Gud dagmada maxamuud haybe)

13. Maxamed Sidiq Dhame ((Afhayaanka Garabka Dhaliyarada ee Xeer qaran)

14. Ahmed Jaamac ( Xogeyaha Wacyi Galiinta Dagmada Ahmed

Dhagaax)

15. Hassan Ahmed Cabdillaahi Caateeye ( Hassan aar)

16. Mustafe Maxamuud Qodax ( Xoghayaha Arrimaha Gudaha)

17. Sulekha Xiisa Cabdillahi

18. Sahra Salaax Cawad

19. Maryan Cismaan Faarax

20. Saynab Cawad Diiriye

21. Fu’aad Mixile Boqore (Guddoomiyaha Xisbiga ee Waddani ee gobolka Buuhoodle

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here