Xoghayihii Guud Ee Hore Ee Qaramada Midoobay Kofi Annan Oo Saaka Geeriyooday

0
903
Kofi Annan

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xoghayihii Guud ee Hore ee Qaramada Midoobay ee Hore Mr. Kofi Annan oo ka mid ahaa xoghayayaashii ugu magaca weynaa ee Qaramada Midoobay soo maray ayaa saaka oo Sabti ah Waddanka Switzerland ku geeriyooday.

Wararka naga soo gaadhaya waddanka Switzerland ayaa sheegaya In Kofi Annan oo dhalasho ahaan ka soo jeeday waddanka Ghana ee Galbeedka Afrika uu geeriyooday inkasta oo aanu muddo badan wax xanuun ah qabin balse xanuun kedis ah oo dhawaan ku soo booday kadib uu saaka geeriyoday.

Kofi Atta Annan ayaa 8-dii Bishii April 1938-kii waxa uu ku dhashay magaalada Kumasi ee waddanka Ghana.

Shaqooyin badan iyo waxbarasho heer sare ah oo uu soo qaatay kadib 1990-kii ayuu noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isaga oo markii dambe noqday Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY