Xogahayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Golaha Guurtida

0
869

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNI Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade ayaa si adag uga hadlay maanta  mudo kordhinta ay golaha Guurtida qorshaynayaan inay u sameeyaan xukuumadda ,isagoo sheegay in aanay aqbalayn halmaal in lagu daro waxaanu ku bilaabay xoghayuhu haddalkiisa sidan:-

“Waxay Umadda Somaliland; Xisbiyaddeeda Qaranka, Komishanka doorashooyinka,Xukumadda iyo Beesha Caalamkuba isku raacsan yihiin in Muddadii ay Komishanku u qabteen in doorashadu ku qabsoonto sideeda loo qabto oo la isku wada raaco, waana la isku wada raacsan yahay, wax dhib ah oo ka jirtaana ma jiro”  ayuu yidhi Mr Uurcadde.

Xogahaya Guud ee xisbiga WADDANI ayaa tilmaamay qiimaha ay golaha Guurtidu leeyihiin “Guurtidu Qarankan waxay ku leedahay qiimo aad iyo aad u weyn, meelo badan iyo dhibaatooyin waaweyne dalkan way ka soo badbaadisay. Sidii aynu ku naqaanay waxay ku taami jirtay inay nabad qab iyo wada jir umadda ku waddo. Waxaa nasiib darro ah oo hadda muuqata in waxaas Xisbiyaddii, Komishankii iyo Caalamkuba isku raacsan yahay ay dood galiyeen oo dood laga furay”.Ayuu Yidhi

Maxamede Cabdilahi Uur-cade oo hadalkiisa ku soo afmeeray “Haddii Xisbiyada qaranka oo danta umadda eegayaa hal sanno oo muddo kordhin ah ogolaadeen, waxa guurtidu wakhti intaa ka badan ugu dartaa waa kaalaya oo is dila.waxaanu leenahay ka daaya. Waxa kale oo suuqa maraya oo umaddu hadal haysaa in si muddo kordhin sabab loogu yeelo la leeyahay maalinta Komishanku qabtay ee 1-da June 2016 Waa kulayl, waxaanu leenahay doorashadii Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Faysal waxay ahayd June, waxaanu leenahay Gudoomiye Saleebaan haddii markii Siilaanyo galayay ay Kulayl noqon wayday oo hadda markuu Cirro galayay ay noqoto ka daa baanu ku leenahay”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here