Xisbiga Waddani Oo Si Balaadhan U Soo Dhaweeyay Fannaanada Sahra Halgan iyo Aadan Ruush + SAWIRRO

0
1000

Xisbiga Waddani 5Hargeysa,(HargeisaPress) — Fannaanada Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) iyo Siyaasiga Ruug Caddaaga ah ee Aadan Ruush, ayaa Maanta ku biirtay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Xisbiga Waddani ayaa munaasibad balaadhan ku qaabilay Halgameyaashan iyo taageero yaal kale oo Reer Hargeysa ah.

Munaasibada lagu soo dhawaynayay Taageerayaasha waxaa ka soo qayb galay Hogaanka Sare ee Waddani oo uu hogaaminayo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiye xigeenka Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Guud iyo Masuuliyiin sarsare oo kale iyo Marti sharaf tiro badan.

Madaxda Xisbiga Waddani iyo Sahra Halgan
Madaxda Xisbiga Waddani iyo Sahra Halgan

Aadan Ruush iyo Sahra Halgan oo kaalin laxaad leh ka soo qaatay Halkankii Somaliland dib loogu xoraynayay ayaa ku soo biiridooda Waddani ku macneeyay Saluug ay ka qabaan Hogaanka Dalka iyo sida uu u socdo Waddanka oo aanay siyaasad ahaan ku qanacsanayn.

“ Waxay dadku is waydiinayaan Sahra Halgan fannaanad dadka u dhex ah ayay yahayde maxay Xisbiga Waddani u dooratay? Waxa weeyaan waddankan waa loo soo halgamay, Siilaanyo na dadka waddanka u soo halgamay buu ahaa.waxaan leeyahay waxa loo soo halgamay Xaq,waxa loo soo halgamay Caddaalad, waxaa loo soo halgamay inaan gardaradii la tirsanayay dib loogu noqon, waxa weeye wixii oo dhami kakac bay noqdeen.taas ayaa igu kalliftay inaan Xisbiga Waddani oo ah ka Mabda ahaan iyo Sharci ahaan ka ugu dhaw inaan ku biro, maanta laga bilaabana waxaan ka mid ahay Xisbiga Waddani” ayay tidhi Sahra Halgan oo ka hadlaysay sababta ay siyaasadda u soo gashay uguna biirtay waddani

 

Madaxda Xisbiga Waddan
Madaxda Xisbiga Waddan

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isna hadal uu ka jeediyay madasha si weyn u soo dhaweeyay labadan Shakhsi ee Sumcada ku leh Somaliland iyo taageerayaasha degmada 26-ka June.

“ Waxaa u malaynayaa dhalin yaro ayuu u badnaa Xisbigu, Odayaasha Hogaanka Xisbiga ahna SNM-tii way ku yarayd laakiin, maanta waxaan ku faraxsanahay in Sahra Halgan iyo Aadan Ruush oo Halgamaa ahaa ay ku soo biiraan Xisbiga waddani.waxaan leeyahay Halgamayaashana Al-baabku wuu u furmay oo Xisbiga way ka soo buuxsami doonaan Insha Allah. Waxaan iyagana soo dhawaynayaa Dhalin yarada iyo Haweenka Degmada 26-ka June” ayaa ka mid ahaa hadalka Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Xoghaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Waddani Shiine Idiris, Xildhibaan Rayte, Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay Halgameyaasha iyo taageerayaasha ku soo biiray.

Xisbiga Waddani 4

Waxay sheegeen in Siyaasadda Xisbiga waddani tahay in wax laga badalo siyaasadda dhaqaale,horumar iyo Majaraha dalkaba, islamarkaana lagu hagi doono jid horumar iyo madax banaani u horseedaya Somaliland. Waxay Xukumadda ku canaanteen Masuuliyiintani Caddaalad daro sababtay in Dhalin yaradii dalku baddaha ku dhimato.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here