XISBIGA WADDANI: Dawlad Mise Xisbi?: Qalinkii Jamal A. Muse

0
1515

Akhriste, wali ma is waydiisay in xisbi siyaasadeed yeelan karo danjireyaal iyo in kale?. Ma kula tahay in xisbiyada iyo  dawladduhu wadaaggaan lahaanshaha xilka danjirenimo?. Xaqiiqdii ogaanshaha qodobadan ayaa muhiim u ah ka foggaanshaha aaminka aragtida siyaasadda gurracan  iyo ilduufka majare habowga ku dhisan ee sidda ciyaalka dadka loogu maaweeliyo.

Akhriste, qormadan kooban ee dhigaalka maanta waxaan si toggan ugu lafo gureynaa jawaabta waydiimaha sare ku xusan. Hadaba, waxaan si xeeldheeriya ugu qaadaa dhigi doonnaa tusaaleyaal cilmi ah iyo taariikho ku sugan hab dhaqanka asxaabta siyaasadda dunida kuwa ugu qadiimsan ee haddana maanta loolanka siyaasadda dalalkooda safka hore kaga jira. Siddaa awgeed bal marka hore aan wax ka xuso taariikhda xisbiga ugu da’da wayn asxaabta dunida ee wakhti xaadirkan ka  jirta koonka carro-edeg.

Runtii waxa asxaabta siyaasadda dunida oo dhan maanta ugu fac wayn Xisbiga Conservative-ka ee ka jira carro Ingiriis oo maanta ah xisbul xaakimka dalka UK ayaa ah xisbiga ugu da’da wayn dunida ee haddana si firfircoon u guddanaya shaqadiisa siyaasadeed. Xisbigan ayaa rasmi ahaan loo unkay sannadkii 1834-kii. Balse wuxuu soo jiray tan iyo  1679-kii, isaga oo ku hawl gali jiray Tory Party. Walina ma yeelan danjireyaasha xisbiga muxaafidka “Conservative party’s ambassadors” oo anigu ma hayo meel ay arrintaasi ku caddahay.  Balse xisbiga Waddani ayaa dhawaan yeeshay danjire  uga wakiil noqon doona dannaha xisbiga meelo badan oo ay ka mid tahay Midawga yurub.

Run ahaantii, aragtidii siyaasadeed ee  xisbiga Waddani ayaa haddeertan dhabaq iyo biyo dhaceen noqotay oo isku cayn iyo bayd go’an. Hadaba, muwaadin xisbiga Waddani waxa ka soo shaac baxay siyaasad aan jiho iyo meel u socod lahayn,  waxa hadda maankiisa ka daalacan daahan siyaasadeed oo aan marna  dalnimada dhawri doonin. Sidoo kale Guddoomiye Cirro wuxuu daahfuray siyaasad  ilaalin dalnimo  iyo horumarin qarannimo midna  lahayn, waxaana  caddaan ah in ay tahay mid hagardaamo & hadimo qaran huwan oo halis ku ah masiirka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamka siyaasadda & hanaanka hoggaminta xisbiga waddani ayaa ah utimo,  iyo  eelo gadhoodhay oo ayna ciddi mahadin doonin berrito haddii uu hantiyo xilka iyo ammaanadda ummadda. Waana nasiib darro mar haddii diblomaasiyaddii noqotay mid aan kala saari karin dal iyo xisbi. mana jirto  ayaan darro ka wayn maanta in xisbi yeesho danjire u metela meelo aan isla jaanqaadi karin. Waa dhacdo muujinaysa yacyacoodnimada hoggaminta xisbiga iyo hanaan siyaasadeed cidhib xun.   Waana  taariikh taban oo  xisbiga Waddani  ugu  biirtay dastuur jabintii, qabyaaladdii iyo Qaloocii xisbiga ka leexiyay innuu hanto xisbinimo qaran.

Dhan kastaba, waxa hubaal ah in ninka xisbi iyo qaran kala sixi kari waayay uu  yahay ma gudbe siyaasadeed oo muddan in dalka laga badbaadiyo. Ceebna umma arko innuu yeesho musdanbeed reeraysan oo uu ku dhaqmo casabo iyo cashiirro siyaasadeed lingax jilicsan. Se waxaa laga yaabaa innuu ceeb iyo liidnimo u yaqaan yeelashada musdanbeed qaran oo maanta dhisa xisbinimo qaran, si barito loo yagleelo dawladnimo qaran oo shacabku si siman u wadda mahadiyo si daarta Sugnaanta hoggaaminta suubban.

Jaho wareerka iyo maan-guurka ku dhacay hoggaanka xisbiga waddani waxa tusaale toggan u ah warqaddan lagu magacaabay danjiraha xisbiga Waddani u jooggi doonna Guddiga Midawga Yurub iyo DANIDA, oo aqoonyahan Mohamed Hagi aad & aad uga dayriyay hab dhigaalka qoraalka, hanaanka hingaada dhigaalka, hab-dhisnaanta naxwaha luuqada, xulashada erayada, liibaanta isku xidhnaanta hadalka iyo soo bandhigida ujeedo wax ku ool ah oo la garan karo. Runtii sidda uu saaxiibkay xusay waa qoraal aad u liita oo laga hindisay meel ka hoosaysa unugga maanka. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Aad baan u fajacsanahay!!!! Marka laga tago in lagu feegaray, oo qaabka siiqada iyo hab-dhigaalka, naxwaha, erayada xulista, isku xidhnaanta iyo bandhigisteeduba ay aad u liitaan”.

Saaxiibkay aqoonyahan Mohamed Hagi  ayaa intaa ku sii ladhay in qormo dhigaalkii xisbiga Waddani ahaa mid inta sare ku xusan ku darsaday ujeed siyaasadeed naaqus ah oo aan ab iyo isir toona ku lahayn hab dhaqanka dawladnimada iyo nidaamka la macaamilka hay’addaha caalamiga ah. Saaxiibkay oo arrintaa sii lafo guraya ayaa yidhi  “Waxa ay ku darsatay ujeedada siyaasad naaqus ah oo baal marsan habka ay dawladdaha iyo hay’aadka caalamiga ah u macaamilaan”. Sidda uu xusay Saaxiibkay aqoonyahan Mohamed Hagi  Waxa la yaab ah in 14 khalad lagu arko qoraal ka kooban hal bog, isaga oo siiqada hadalka iyo addeegsiga weedhaha ku macneeyay luuqad dawarsi iyo maxaafsi. Wuxuuna u dhigay sidatan Waxana ay u dhigan tahay luuqad dawarro oo maxaafsi ah. Inkasta oo qoraalkan yar ee halka bog ah 14 qalad ay dhex fadhiyaan”.

Ugu danbayntii, wali waxa xisbiga Waddani aad uga  muuqata laylinimo badan, fududayd iyo iska warhayn la’aan dhabarka iyo xanjaadka ka jabiyay siyaasadda xisbiga Waddani oo ah mid aragtida san iyo hoggaaminta suubban ka aradan. Maxaa yeelay tusaale kasta oo uu xisbinimo ku muujiyaa  waa tusaha iyo tilmaamaha  haggida dawladnimada iyo hanaanka hoggaaminta berrito. Runtii Waddani waa xisbi ee ma aha dawlad. Sidaa darteed yaannu dalka u horseedin fawdo xisbi iyo danjireyaal badan. Waxaa dhab ah in danjire yahay mid metela qaran ee aannu ahayn mid ka wakiil ah xisbi iyo xasarad kale toona.

 

Jamal A. Muse

dankaabo@hotmail.co.uk/hirdandheer@gmail.com

Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here