Xisbiga Wadani oo ka badheedhey hagardaameynta iyo khalkhal galinta xasiloonida Somaliland By: Aydaruus abdilaahi Ali

0
944

Xisbiga siyaasad baradka ah ee Wadani oo ka badheedhey hagardaameynta iyo khalkhal galinta xasiloonida iyo burburinta shacbiga ku jira farxada iyo damaashaadka u dabaal daga maalinta ku suntan xuska maalinta qaranimada ee 18 May …. Waxa hubaal ah in Mudahraadka Uu ku dhawaaqey xisbiga Wadani ay Tahey mid ay lawadaagaan cadawga Somali land ee geed gaaban iyo mid dheerba u Fula Sidey beesha caalamka Uga dhaadhicin lahaa yen in aan Somaliland jir in xasiloonideeduna Aney lugo adag ku taagnaayn waxa hubaal ah in xisbiga Wadani afkaar la wadaago ku waa qaranimadu dhiibeyso. Run ahaantii waxa bari Dalka imanaya Wafdigii Abid ugu balaadhnaa ee ka socda beesha caalamka si ay qiimeyn iyo daraasad ugu sameyn lahaayeen xaalada Dalka waxa u qabsoomay waxa kadhiman iyo himilada mustaqbal ka waxaan hiigsaneyno Runtii Xisbiga Wadani waxa Uu ka badheedhey inuu ku Mudahraado Wafdigaa ka socda beesha caalamka ee inooga markhaati kacaya qaranimadeena Xuska 18 ka May na dabaaldagiisa inagala qayb gala aya Xisbiga Wadani iyo intii fikirkaa ku raacsan ee dabinada cadawga s/land mash ruuca ka qaadaneysa waxaan leeyahey muwaadin kastaa wuu Fahmi Kara sababta Wafdigaa beesha caalamka loogu mudahraadayaa iney Tahey Baabiinta himilada bulshadeena ee isku duubnaanta qaranimo ….. Waxaad ku baaqdeen mudahraad iyo rashado iyo dhibaato iyo dhimasho boobka hantida umada nabadgalyada banaanka dhigatey dahabka iyo lacagta khalkhal galinta Diyaar garawga soo dhaweynta waftiga beesha caalamka dabaal dagyada hordhadhaca ah 18 May Runtii Malaha waxa boog idinku noqotey ubadka hooyada aabaha soo buux dhaafiyey sugayada si ay u iibsadaan dharka astaanta calanka ee Dhir iyo gidaarba is qabsadey suuqyada magaalada

Waxaan leeyahey Farxad kula Ciida qarankiina oo Gudoomiyaha Wadani ayaa bey aheyd in lagu Mudahraado maadama Uu kursiga ku fadhiyo Shan ladoortey iyo Shan korodhsiimo ah isagaa caadeystey korodhsiimada lib in lab ku fadhiya kursiga sharcigii loogu kordhiyey ayuunbaa yaala mid kale cirka Kama soo dhicin balse mudahraadkani wuu ka Duwan yahey Tabasho kordhineed ee waa Khalkhal galinta Wafdigaa ka imanaya beesha caalamka waana dambiile Qaran cid kastoo tidhaa wufuuda beesha caalamka halgu Mudahraado Amniga iyo ilaalintiisa Xukuumad kalsoonida shacbigeeda qabta ayaa loo doortey waney ku fil an Tahey ilaalinta amnigeeda ogolaana mayso in Dalka looga dhex adeego cadaw shisheeye oo Raba in beesha caalamka iyo Nabad galyada Somali land khalkhal la galiyo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa bey aheyd in lagu Mudahraado oo shantii la doortey iyo Shan kordhin ah fadhiya kursiga sharcigii iyo dastuurkii Uu ku xalaashadey kursigiisa In loogu kordhiyo laga yeeli mayo inuu xaaransado maanta balse mudahraadkani maaha mid mudo kordhin lug ku leh ee waa mid ay dabada kariixayaan cadaw shisheeye oo Raba iney Wafdiga balaadhan ee Dalka imanaya la tuso inaan Dalka xasilooni iyo nidaam dawladeed jir in meeqaamka aan beesha caalamka ku leenahey ayaa la Rabaa inuu hoos udhaco cid kastoo la qaadataa waa cid u adeegeysa cadawgeena……….

 

By: Aydaruus abdilaahi Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here