Xisbiga KULMIYE oo Xadhiga ka jaray Xafiiska Xisbiga ee Degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi-jeex + SAWIRRO

0
1654

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex iyo madax kale oo wehelinaysay, ayaa xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbigu ku yeelanayo degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga ee Gobolka Md. Cabdiraxmaan Yusuf Hadhiye oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh iyo weliba xubno ka mid ah Guddiga Fulinta, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan loo sameeyey furitaanka xafiiska xisbiga ee degmada Daarasalaam oo lagu qabtay magaalada Daarasalaam maanta, kaasi noqonaya xafiisii u horreeyey ee xisbiyada dalku ku yeeshaan degmadaasi muddooyinkii u dambaysay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa bulshada deegaan Daarasalaam u sharaxay muhiimada xafiiskani iyo hawlaha uu qaban doono oo uu ku tilmaamay inuu noqonayo isku xidhaha xisbiga iyo degmada, waxaanu ku dheeraaday sababta ay degmadani muhiimada koowaad u siiyeen ka gobol ahaan.

 

Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam ee xisbiga KULMIYE Saleebaan Xuseen Cumar iyo Guddoomiyaha Garabka haweenka xisbiga ee degmada Daarasalaam Marwo Xamda Cabdi Saleebaan, ayaa iyaguna sheegay inay degmada Daarasalaam tahay mid taageero ballaadhan u haysa xisbal-xaakimka KULMIYE.

Salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka degmada Daarasalaam oo hadallo ka jeediyey xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey xafiiska cusub ee KULMIYE, waxaanay isku raaceen in degmadani tahay degmooyinkii dhaliyay guushii xisbal-xaakimku ku hantay hoggaaminta waddanka oo ay xilligaa maalkoodii iyo muruqoodiiba galiyeen, isla markaasna maanta ay diyaar u yihiin inay mar kale dhisaan xisbiga oo ay taageero buuxda u hayaan.

Wasiirul-dawlaha Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Boostaha iyo Isgaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh, ayaa shacabka reer Daarasalaam kula dardaarmay ilaalinta nabadgalyada, wada noolaanshaha iyo wadashaqaynta xukuumadda iyo xisbal-xaakimka si loo xoojiyo horumarka, sidoo kalena ku diirigaliyeen inay waqtigan oo xilli roobaadkii bilaabmay ay ka faa’iidaystaan biyaha cirka iyo qabshadooda.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Caddare, ayaa isna dadweynaha Degmada Daarasalaam uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo taageerada buuxda ee ay siiyeen xisbiga KULMIYE, waxaannu bulshada deegaanka kula dardaarmay inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhka codbixiyaha oo bilaha soo socda laga bilaabi doono Gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada biyaha ayaa iyagu halkaasi hadalo dardaaran ah kasoo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here