Xisbi Mucaaradka UCID Oo Beeniyay Warar Sheegayay Khilaaf Udhexeeya Hogaanka Xisbigaasi

0
919

Ucid logoHargeysa,  (HargeisaPress) —Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa been iyo boro bogaando ku tilmaamay warar sheegayay in khilaaf ba’ani ka dhex qarxay hogaanka sare Ee Xisbigaasi Ucid.
WARSAXAFADEED UU SOO SAARAY XOG WAR FAAFINTA UCID WUXUU U DHIGNA SIDAN.
Waxaanu Si Cadho Leh U Beeninaynaa Warka Shabakada HARGEISAPRESS.COM Lagu Soo Daabacey Warkaas oo ahaa In Musharaxa Xisbiga UCID Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Uu Khilaaf Soo Kala Dhex Galey Warkaas Oo aan Sal iyo Raadtoona Laheyn Isla Markaana Gudoomiyaha Xisbiga iyo Musharaxuba Ay Saaka Labadooduba Hawl Maalmeedkoodii Shaqo ay Ka Gudanayeen Xarunta Guud Ee Xisbiga Ucid si Wada Jir ah Xisbiga UCID na Marnaba ka Hor Joogsan Mayso Dacaayadaha Raqiiiska Ah Ee Maalin Walba Laga Qorayo Shaqadooda iyo Hamigooda ah in Kursiga Talada Dalka Ugu Sareeya ay Ku Fadhiistaan Waxaanan Ugu Baaqeynaa Shabakadda HARGEISAPRESS.COM Ay Raali Galin Ka Bixiso Hadalkaa Been Abuurka Ah ee Mareegtooda Lagu Baahiyey

 

Allaa Mahad Leh .

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID YUUSUF KAYSE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here