Xilna Waan Qaaday Midna Dhigay!!!! W/Q Cumar Maxamed Faarax

0
1121
Cumar M Farah

Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax [Guri-barwaaqo], oo 22kii Bishii Feberweri ii magacaabay Agaasimaha Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA [Somaliland News Agency]. Waxaanan wasiirka mansabkaas ii xushay ka balan-qaaday inaan si hawl-karnimo ah aan uga soo bixi doono masuuliyadaas culus oo aan ILAAHAY ka baryayo inuu igu asturo.

Waxaan u mahad celinayaa asxaab badan oo siyaabo kala duwan iigu soo hambalyeeyay meel kasta oo ay kala joogaan.

Khamiistii 01.2018 waxaan macasalaameeyey hawl-wadeennadii iyo shaqaalihii aanu bah-wadaagta ahayn ee aanu wada shaqeynaynay muddo ku dhow 16 sannadood ee la soo dhaafay. Waxaan wareejiyey laba xil oo isku sidkanaa oo aan ka hayey Wargeysyada Dawan oo kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii Dawan iyo xilkii tifaftiraha guud ee DMG.

Xilkii Guddoomiye ku-xigeenka waxaan ku wareejiyey agaasime ku-xigeenka waaxda wargeysyada ee wasaaradda Warfaafinta, Daahir Maxamuud Xadi. Sidoo kale xilkii Tifaftirahana waxaan ku wareejiyey Sabtidii la soo dhaafay Axmed Maxamed Saleebaan oo ah ku-xigeenkaygii tifaftiraha Dawan oo aan ku kalsoon nahay inuu ka soo bixi doono hawshan.

Waxa Khamiistii aniga iyo Guddoomiye Sayid na si milgo leh oo na qiiro gelisay noo sii sagootiyey bahweynta DMG oo aan u kala hadhin.

Waxaan ugu dambayn u mahadcelinayaa madaxdii 16-kii sannadood ee u dambeeyay aan ka hoos shaqeeyey, intii shaqada igu soo dhaweysay, masuuliyiintii aan ka hoos shaqeeyey iyo kuwii aniga iga hoos shaqeeyayba rag iyo dumarba, yar iyo weyn-ba. Waxaan u hayaa abaal-weyn. Waxaan leeyhay madaxdiina cusub oo ah rag aqoon leh la shaqeeya oo hawsha qaranka ugu garab gala sidii aan annagaba noo saacideen.

Cumar Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here