XILKA MAQASHA KII GABAY, GEELA MAW XILSAARNAA…….!

0
1725
Mohamed Gacayte. Photo File

Sharci-dajintu waa halka qaranku ka dhismo kana badbaadisa xeer kasta oo dhaawac ku ah walow xukuumadu hawadee. Bulshadu waxay is waydiinayaan Golahii Wakiilada ay codkooda kusoo doorteen halka uu ku danbeeyay, badankoodu waxay noqdeen qaar dantooda ka horeysiiya danta qaranka. Dhinaca kale Gud. Golaha Wakiilada Craxmaan Cirro Ahna Musharaxa M.weyne ee Xisbiga Wadani oo hogaaminayay golahan mudo13 sano wali maynu arag isagoo golaha horkeenay Xeer umada danteeda ka hadlaya ama ka joojiyay mid caqab ku ah. Waxaan xasuustaa Xirsi waqtigu Wasiirka ahaa ayuu warbaahinta ka sheegay inuu Xeerkasta qurbaankiisa qaadan jiray isagoo cirro duraya ayuu yidhi “40 Xeer ayaanu ka marsanay Craxmaan”. Xirsi maantana waa hogaamiyaha Wadani.

Qof kasta oo xil umada haya ama hore usoo qabtay waxa lagu qiimeeyaa mudadaa uu kursiga fadhiyo; waana halbeegyada lagu miisaamayo qofka la dooranayaa ka uu yajay. Sidaas darteed; waxa muuqata Gud. Wakiilada oo fadhiid ka dhigay shaqadii loosoo doortay golaha; iyadoo lagu xasuusan doono Golahii ugu liitay ee Somaliland soo mara M/tooyadana u dhaga nugul. Gud. Cirro oo lagu yaqaano inuu yahay Hogaamiye jilicsan oo bilaa go,aan ah ayaa sababtay in Golahiisu tahli kari waayo inuu sameeyo Xeerkii lagu badali lahaa ama lagu soo dooran lahaa baarlamaan cusub.

Isku soo wada duuboo waxa marag madoon ah in Craxmaan Awoodii iyo Dhaqaalahii Gudoominta G. Wakiilada uga faaiidastay danahiisa Siyaasada, kana dhigay kursi u shaqeeya Xisbiga Wadani, taasina maaha mid qarankani ku dhismayo. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaa “Falaadhi Gilgilasho Kaagama Go’ddo” Eedaha Gud. Cirro ku dhaliilo xukuumada wuu laqabaa waliba qaybta ugu wayn ayuu ku leeyahay waana tiirka 3aad ee Dawlada ama Qaranka, Sidee ayuu Mucaarid u noqon karaa?. Shacabka Somaliland way arkayaan ninka Musharaxa ah ee hadana Kursigii Baarlamaanka13 sano fadhiya ee laga kicin kari la’ayahay, xataa hadii sharci ku badala lays yidhaa ma yeelayo oo waatii la ogaa wixii ka dhacay. Maantana Craxmaan wuxuu u taagan yahay Musharax M.weyne, Shacabka ayay ku xidhan tahay, balse Xikmada soomaaliyeed ayaa tidhi.

Xilka Maqasha Kii Gabay

Geela Maw Xil Saarnaa”

Shacabka Somaliland maanta waxay u baahan yahiin hogaamiye adag (strong leadership) oo ka saari kara duruufaha adag ee ku xeeran, hogaamiye badbaadin kara jiritaanka iyo qaranimada oon looga baqanayn. Hogaamiye go,aan qaadasho leh oon daaha dabadiisa laga hagayn. Waxay u baahantahay hogaamiye fahmi kara nolosha iyo waayaha bulshada.

Guul iyo Gobonimo.

Mohamed Gacayte.

Hargeysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here