Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti, Madaxweynaha JSL Iyo Xisbiyada Qaranka Oo Bulshada Ka Tacsiyadeeyey

0
1364
Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada JSL, ayaa maanta ku geeriyooday Dalka Djibouti oo maalmihii u danbeeyey uu ku sugnaa oo lagu daawaynayey, ILAAHAY naxariistii janno hawgu deeqee.

Madaxweynaha JSL iyo Xisbiyada Siyaasada Somaliland ayaa Golayaasha Qaranka iyo Bulshada ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Tacsida masuuliyiintaasi oo Wargeyska Himilo soo gaadhay ayaa waxay u dhigneyd sidan.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo xalay oo ay  taariikhdu ahayd 21.10.2017 ku geeriyooday dalka Jabuuti oo uu xaalad caafimaad u jiifay maalmahan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay qaranka Somaliland, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo siyaasada dalka, waxaanu marxuumku ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii qalinka iyo tabaashiirta u qaatay inay dalka u soo saaraan jiilal aqoon iyo cilmi ku dhisan, taasi oo uu muddo ku soo jiray markii danbena uu ka mid noqday golaha wakiilada Somaliland ee wakhtigan jooga, balse ay tii Alle u timid Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca kalena, Axsaabta siyaasada Somaliland ayaa bulshada iyo Golayaasha qaranka ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, waxaanay u dhigneyd sidan.

TACSI : XISBIGA WADDANI

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale Caynaan.

Guddoomiye Cirro, wuxuu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u dadnimo wanaagsan oo ka shaqeyn jiray danta guud iyada oo aad looggu xasuusto baranimadiisii macalimnimo ee Waxbarashada Somaliland oo uu wax soo baray ardey tiro badan, waxa kale oo uu sheegay in muddadii uu ka tirsanaa golaha Wakiilada uu ahaa mudaneyaasha aadka u jeclaa horumarka Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu Alle uga baryey Marxuumkaasi in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland 

TACSI: XISBIGA KULMIYE

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, Golayaasha Baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta oo taariikhdu tahay 21/10/2017.

Marxuum Xasan Cawaale Caynaan waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay xisbigii UDUB sannadkii 2005, isagoo waqtigana ka mid ahaa mudanayaasha la midoobay xisbiga KULMIYE, waxaannu ahaa aqoonyahan ku soo tabcay oo waxbaray dhallinyaro badan oo reer Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here