Xildhibaan Obama Oo Soo Jeediyey In Hanti Dhawraha Guud Baadhis Ku Sameeyo Golaha Wakiilada, Fariina U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

0
1625

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa si adag uga hor yimid go’aan ay maanta gaadheen xildhibaanada golahaasi.

 

Xildhibaan Obama oo maanta la hadlay warbaahinta eedaymo culus u jeediyey xildhibaanada golaha wakiilada oo uu sheegay inay hadyo jeer iska badalaan go’aamada ay marka hore qaataa, waxaanu dalbaday in hanti dhawraha guud ee qaranku baadhis deg deg ah ku sameeyo.

Xildhibaan Obama waxa uu sheegay in golaha wakiilada ay sanad gudihii laba go’aan oo iska soo horjeeda ka qaateen maamulka haamaha shiidaalka ee Berbera, isaga oo dhaliilay go’aan ay ku doonayaan xildhibaanadu inaanay dawladu gacanteeda ku soo celin maamulka haamaha shiidaalka.

Ugu horayn xildhibaan Obama oo ka hadlay ujeedada fadhiga ay yeesheen mudanayaasha golaha wakiiladu  ayaa waxa uu yidhi ““Maanta waxa laga hadlayey oo go’aan laga gaadhay haamaha shidaalka, waxaynu ognahay in sanad ka hor golaha wakiiladu uu go’aan ka gaadhay haamaha shiidaalka anaga oo dawladii wakhtigaas jirtay u soo jeedinay inaanay wareejin ka dib markii aanu eegnay danta qaranka, faa,iidada ugu jirta dawlada ka dib markii aanu eegnay nabad galyada, waxa uu goluhu gaadhay in dawladu ay gacanta ku hayso haamaha shiidaalka, dhawryo afartan xildhibaan ayaa u fooday sagaalna way diideen, go’aankana sidaas ayaa lagu qaatay oo fulin ayaa loo baahnaa.”

Xildhibaan Obama ayaa sheegay in mooshin laga keenay haamaha shiidaalka aanay u codayn xildhibaanadii saxeexay waxaanu yidhi “Maanta waxa cadaatay in goluhu mar labaad cod u qaado haamaha shiidaalka, xataa intii mooshinka saxeexday oo dhawryo labaatan xildhibaan ahaa oo dawlada ku amrayey inay fuliso inay dib uga noqdaan oo ay u codayn waayaan ayaa dhacday.”

 

Xildhibaan Obama ayaa dalbaday in baadhis lagu sameeyo sababta bad badalaysa aragtida xildhibaanada waxaanu yidhi “Waxaanu soo jeedinaynaa in golaha baadhitaan lagu sameeyo oo la helo sababta ay xildhibaanadu u guurguuraan ee ay u badalaan mabda’ooda, waana in la helo waxyaabaha xildhibaanada bedbedalaya ee go’aankii ay shalay qaateen maantana ay u badalayaan,waxaanan jecelnahay in baadhitaan dhab ah aanu golaha ku samayno, hanti dhawraha ayaanu faraynaa oo aanu doonaynaa inuu golaha soo galo si aanu u ogaano xaqiiqda uu golahani maalinba maalinta ka dambaysa isu  badalayo.”

Xildhibaan Obama waxa uu si adag u dhaliilay labada go’aan ee ay sanad gudihii qaateen xildhibaanada golaha wakiiladu waxaanu yidhi “Golaha wakiiladu shalay ayey lahaayeen dawladu ha hayso maantana waxay leeyihiin shirkaduhu ha hayaan, labadaasna afkooda ayaa laga hayaa, dawlada waxaanu leenahay fulin ha samayso oo ha raacdo waxa danta dalku ku jirto, haamaha shiidaalkana halka dantu ugu jirto shacabku wuu ogyahay oo madaxweynuhu wuu ogyahay, kii shalay ka codeeyey iyo kii maanta ka codeeyey inaanu waxba ogayn ayaanu filaynaa oo fartiisa kolba meesha uu doono ku taarayo, danta qarankana kuma jirto inaanu fartayada ku ciyaarno oo kolba meesha aanu doono u jeedino.”

Ugu dambayn xildhibaan Obama ayaa soo jeediyey in madaxweynuhu go’aan ka qaato haamaha shiidaalka waxaanu yidhi “Waxaanu xukuumada faraynaa oo madaxweynaha faraynaa inuu sida ugu dhakhsaha badan  go’aan dawladeed oo xukuumadeed  uga qaato  maadaama ay lacag badani ugu jirto xukuumada, maadaama ay nabad galyada iyo danta qaranku ku jirto oo ciidanka shiidaalkiisa bil kasta waxa loo gaynayaa ay haamahaas ku jiraan oo aan lagu aamini Karin in dad shacab ahi gacanta ku hayaan, waxaanan leeyahay  madaxweynuhu go’aan dawladeed oo  haka qaato baarlamaankana hayska indho tiro maadaama oo xildhibaanadu is badalayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here