Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka Jawaabay Dhaliilo Xisbiga WADDANI u Jeediyey Golaha Wakiillada Somaliland

0
1004
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)

Hargeysa,(HargeisaPress) —Mudane Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in muddadii Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu gacanta ku hayey xilka maamulka Golahooda ay bilaabeen in mudanayaashu ay wax walba si duuduub ah ku ansixiyaan.

Md.Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka jawaabayey dhaliilo uu xisbiga WADDANI u jeediyo Golaha Wakiillada, waxa uu sheegay in mudanayaal tiradoodu dhan tahay 25 xildhibaan uu xisbigaasi u leeyahay Golaha Wakiillada, sidaa darteedna aanay ka madhnayn dhaliilaha loo jeediyo golahooda, isagoo sidoo kale xusay in Guddoomiye Cirro uu bilaabay in si duuduub ah lagu ansixiyo miisaaniyadaha iyo mashruucyada sharci ee ka yimaad dhinaca xukuumadda talada haysa.

“Xisbiga WADDANI muddo 12 sanno ah ayuu xukumayay Golaha Wakiillada oo in duuduub wax lagu ansixiyo waxa bilaabay oo horseed u ahaa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI. Dhaliilo waa leeyahay Golaha Wakiillada wax kasta oo Xukuumadda ka qaldama haddii aannu qaban wayno khaladka waanu la leenahay haddii aannu nahay Golaha Wakiillada. Xisbiyada mucaaradku way leeyihiin khaladka, waayo 25 xildhibaan ayuu xisbiga WADDANI ku leeyahay Golaha Wakiillada ee maxay u diidi waayeen markii miisaaniyadda la ansixinayay? Waxayna ay ahayd Miisaaniyadda sannadka 2019-ka markii ugu horaysay ee Golaha Wakiilladu diido cashuurihii miisaaniyadda lagu sooa daray, waxaanna adkayd in aannu tallaabadaas qaadno, balse waxa aannu ku dhiirannay in aannu wada celinno cashuurihii lagu soo daray Miisaaniyad-sannadeedkan 2019-ka,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.

Waxa kaloo uu xildhibaanku sheegay in isbeddel weyn iyo horumar ka muuqdo miisaaniyadaha loo diyaariyo qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Markii aannu nimid Golaha Wakiillada sannadkii 2005-kiii iyo imminka oo lagu jiro sannadka 2019, farqi wayn ayaa u dhexeeya miisaaniyadda oo horumar badan ayaan ka gaadhnay, wax badanna way innaga dhiman yihiin, waxayna maanta ay miisaaniyaddeennu maraysaa $300 milyan oo doollar, waxase loo baahan yahay in Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu uu dib-u-habayn ku sameeyo miisaannadda…(Sababtoo ah) Miisaaniyaddu ma gobollaysna oo waxa Hargaysa ugu jira ayaa ugu jira Boorama, Burco Ceerigaabo Laascaanood iyo Berbera.”

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale sheegay in mashaariic kala duwan laga fuliyey dalka Somaliland, balse mashruuca ugu weyn ee ilaa hadda la hirgeliyey uu yahay dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, kaasoo hadda meel fiican maraya.

“Mashruucii ugu waynaa ee dalka Somaliland laga fuliyay waxa weeyaan waddada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, mana jiro mashruuc ka wayn oo laga fuliyey Somaliland,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama).

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here