Weriyihii Caanka ahaa Ee Cusmaan Sugule Oo Ku Geeriyooday London

0
1607

London (Hargeisa Press.com): ALLE ha u naxariistee waxaa magaaladda London ku geeriyooday Cusmaan Maxamed Sugule, oo ka mid ahaa weriyeyaashii ugu caansanaa ee  ka soo shaqeeyay laanta af Soomaaliga ee BBC.

Weriye Cusmaan Sugule, ayaa ku dhashay magaaladda Qandalla ee gobolka bari Puntland, waxaanu BBC ka shaqaynayay muddo 20 sanadood ah.

Sida  uu sheegay Maxamuud Xasan oo muddo soo wada shaqeeyeen oo maanta taariikhdiisa uga waramay BBC.

Sidoo kale ALLE ha u naxariistee Cusmaan Sugule, waxa uu ka soo shaqeeyay safaaradda Ingiriiska ee magaaladda Muqdisho muddo laba sanadood ah, sidoo kale waxa uu ka shaqeeyay xafiiska arrimaha dibadda ee dawladda Britain.

Maxamuud Xasan, oo isna ah weriye ay muddo dheer Cusmaan Sugule ka soo wada shaqeeyeen  BBC oo ku sugan magaaladda London ayaa ka sheekeeyay taariikhdiisa iyo waxa uu ka xasuusto.

“Wuxuu ku dhashay degmadda Qandalla, ee gobolka Bari ee Puntland. Aniga Cusmaan Sugule waxaan is naqaanay ilaa 1966-kii. Dalkan Ingiriiska wuxuu yimid 1957-kii, isagoo arday ahaa. Markii calan la qaatay ayuu dib ugu noqday Soomaaliya.  Kadib na, lixdamaadka horaantiisii ayuu ku soo biiray BBC”ayuu yidhi Maxamuud Xasan.

Isagoo hadalka sii watay na waxa uu yidhi “BBC wuxuu ka shaqaynayay muddo lix sanadood ah.Markaa nidaamka BBC u yaalay wuxuu ahaa heshiisku (contract) lix sanadood. Markaa isaga kontaraagu wuxuu ka dhamaaday sanadkii 1968-kii. Iyadoo markaa ka dib uu ku laabtay  Soomaaliya.

Waxaanu shaqo ka bilaabay safaaradda Ingiriiska ee magaaladda Muqdisho, halkaasoo uu ka shaqaynayay ilaa iyo 1970-kii. Kadib na 1970-kii  ayuu hada na BBC dib ugu soo noqday, ilaa iyo 1980-kii ayaanu ka shaqeeyay”.

“Aniga iyo Cusmaan Sugule ALLE ha u naxariistee muddo 20 sanadood ah ayaanu BBC ka wada shaqaynaynay.

1980-kii markii uu BBC ka tegay wuxuu ku biiray xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriiska, oo uu muddo badan ka shaqaynayay. Ilaa markii danbe hawl-gab ka noqday shaqadda”.

Maxamuud Xasan, oo la waydiiyay maadaama oo Cusmaan Sugule ay muddo 20 sanadood ah soo wada shaqaynayeen, waxa uu ka xasuusta shaqsiyadiisii waxa uu yidhi “Cusmaan, wuxuu ahaa nin had iyo jeer faraxsan. 20 sanadood ayaanu wada shaqaynaynay laakiin, 52 sanadood ayaanu is niqiinay.

Nin aanan weligii arag isagoo cadhaysan. BBC-da markii uu joogay wuxuu ahaa ninka loogu jecel yahay, dadkii ka shaqaynayay.

Had iyo jeer waraaqaha yimaadda, ee ay soo diraan dadka dhegaysteyaasha ah ee BBC, waxay ka hadli jireen Cusmaan Sugule, oo ay dadku ugu jecclaayeen codkiisa dadka ka hadla BBC. Wuxuu ahaa nin macaan, nin dadka la saaxiib ah, oo aanay qof na iska hor imanin”.

ALLE ha u naxariistee marxuum weriye Cusmaan Sugule, ayaa ifka kaga tegay caruur uu dhalay iyo xaaskiisii, sida uu sheegay weriye Maxamuud Xasan.

Halkan Ka Dhegayso Cusmaan Sugule oo ka Waramaya Meeraha Jupiter:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here