Weriyeyaashii Ugu Badnaa Ee Ka Mid Ah Warbaahinta Dawladda Oo Shaqo & Mushahar Joojin Lagu Sameeyay Iyo SOLJA Oo Ka Hadashay

0
839

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Shaqo joojin iyo Mushahar joojin ku sameeyay 24 Suxufi oo ka mid ah Hawl-wadeennada Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefiishanka Qaranka (SLNTV).

Qoraal uu Shalay Wasiirka Warfaafintu soo saaray ayuu ku sheegay in muddo Saddex bilood ah Shaqada iyo Mushaharkaba laga joojiyey 24 Weriye, ka dib markii ay Weriyeyaashaasi oo ay Warbaahinta Madaxa-bannaan eedaymo u mariyeen Wasiirka Warfaafinta, iyagoo ka cadhooday Xil ka qaadis iyo Isku-shaandhayn uu Wasiirku ku sameeyay Qaybaha Warbaahinta Dawladda, kuwaasi ay ka mid ahaayeen Agaasime-waaxeedyo.

Weriyeyaashan shaqada iyo Mushaharka laga joojiyey, ayaa Wasiirka ku eedeeyay in Isku-shaandhaynta uu sameeyay ay door ku lahaayeen Agaasime-waaxeedyo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta, isla-markaana aanu Wasiirku arrintaa u marin dariiq Caddaalad ah.

Hasa-ahaatee, Qoraalka uu Wasiirku Shalay soo saaray ayuu ku sheegay in Weriyeyaasha uu Shaqada ka joojiyey ku kaceen falal lid ku ah Nidaamka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta, kuna kaceen amar diiddo isla-markaana ka hor-yimaaddeen isku-shaandhaynta uu sameeyay, sidaasi darteed uu Shaqada iyo Mushaharkaba ka joojiyey muddo 3 bilood ah, isagoo cuskanaya Xeerka Shaqaalaha Dawladda, “ka dib markii aad diiddeen in Qof Qof la idiinla kulmo ee aa dalbateen in koox ahaan la idiinla gorgortamo, taasi oo ah kooxaysi iyo amar diiddo aad weli ku jirtaan. Ka dib markii aad ku kacdeen falal lid ku ah waajibaadka shaqo, sida ku Cad qodobka lixaad ee xeerka Shaqaalaha Dawladda farqaddiisa 1-aad, la timaaddeen amar diiddo badheedha sida ku cad qodobka 28-aad ee Sharciga shaqaalaha Dawladda qodobkiisa 1-aad Xarafkiisa (b) iyo qodobka 3-aad Xarafkiisa (C), ku xad gudubteen awoodda Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL sida ku cad qodobka 28-aad ee Sharciga Shaqaalaha Dawladda qodobkiisa 3-aad Xarafkiisa (A), ka dib markii Shir jaraa’id qabateen isla-markaana si cad oo markhaati ma doon ah uga hor-timaaddeen awaamiirta Madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL ee uu sugayo qodobka 29-aad ee Sharciga Shaqaalaha Dawladda, ka been abuurteen Madaxdiina si waafaqsan asbaabaha ku cad qodobka 6-aad ee Sharciga Shaqaalaha Dawladda qodobkiisa 2-aad Xarafka (Kh), ka dib markaad gebi ahaanba diiddeen inaad u hoggaansantaan Go’aanka Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL ee isku beddelka Shaqaalaha Wasaaradda ee ku sugan sida ku Cad qodobka 18-aad ee Sharciga Shaqaalaha Dawladda, haddaba iyada oo uu yahay nidaamka Dawliga ahi mid ku salaysan Sharci iyo amaawiir sida uu dhigayo Qodobka 28-aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda ee dambiyada iyo Ciqaabta Xarafkiisa (d) laga bilaabo Taariikhda Qoraalkan waxaan idinka joojiyey shaqada aad u hayseen Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL muddo saddex bilood ah.” Ayuu Wasiirka Warfaafintu ku yidhi Qoraalka shaqo iyo Mushahar joojinta ah ee uu Shalay soo saaray, waxaanu intaa ku daray “Waxa la farayaa Agaasimeyaasha Wasaaradda inay ka joojiyaan Shaqada iyo Mushaharkaba dhammaan shaqaalaha sida tooska ah uu qoraalkani ugu socdo, sidoo kalena ma soo geli karaan xarunta Wasaaradda iyo Goobaha kale ee shaqada muddadaa Saddexda bilood ah.”

Wasiirku waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in Go’aan kama dambays ah oo ku saabsan shaqo iyo Mushahar ka joojinta Weriyeyaasha la gaadhi doono marka ay dhamaato 3-da bilood.

Dhanka kale, Go’aankan uu Wasiirka Warfaafintu shaqada kaga joojiyey 24-ka Suxufi ayaa Walaac ka muujiyey Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), sida uu ku sheegay War-saxaafadeed uu Hargeysa ka soo saaray, kaasi oo u qornaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo Ixtiraamaya shuruucda kala duwan ee Dalka ee ay ku aasaasan yihiin hay’addaha kala duwan ee Qaranku, waxa uu isagoo eegaya masuuliyadda ka saaran Difaaca iyo Horumarinta Saxaafadda ugu baaqayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta inay dibu-eegis ku samayso go’aanka Shaqo ka joojinta iyo Anshax marinta ah ee ay ku riday 24-ka mid ah shaqaala weynaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda Warfaafinta.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa khilaafyadda kala duwan ee ka taagan wasaaradda Warfaafinta iyo Shaqaalaha inay haboonayd siyaabo kale in lagu xaliyo, hase yeeshee go’aanka imika la qaaday  ee ah Shaqo ka Joojin iyo Mushaharka oo laga jaro wuxuu  culays ku yahay shaqaalaha iyo Qoysaskoodaba oo qaata Mushar aan ku filnayn.

Ururka SOLJA, waxa uu in badan Isha ku hayey khilaafyaddii kala duwanaa ee sidan oo kale u dhex maray masuuliyiintii kala danbeeyey ee wasaaradda soo maray iyo wariyayaasha ka hawlgala, waxaanay dhamaantood ahaayeen kuwo ka dhashay nidaamyaddii  ay ku maamulayeen xukuumaddihii kala danbeeyey oo mar walba keenayey Muran.

Laga soo bilaabo Xukuumaddii UDUB ee Yagleeshay Telefishanka Qaranka Somaliland, waxa isa soo tarayey in kolba xukuumadda talada qabataa keenaysay Awaamiir ay nidaamka Maamul ee wasaaradda wax kaga bedelaysay, iyadoo Maamulka marna la hoos geynayey Madaxtooyadda, mar kale wasaaradda marar badana la Madax banaanaynayey, kuwaas oo khilaafka mar walba Horseedayey.

Cabashada Wariyayaasha iyo go’aanka ay wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay waa kuwo aan horseedayn xal waara. sidaas daraadeed; Ururka SOLJA, isagoo Ixtiraamaya karaamada Shaqada Qaranka in la ilaaliyo isla markaana la sugo xuquuqda Suxufiyiinta kala duwan ee u shaqeeya warbaahinta Dawladda iyo ta gaarka loo leeyahayba, waxa uu ku talinayaa inay Wasaaraddu dib u eegto go’aankeeda, oo ay u marto waddo kale oo xal u noqon kara khilaafka ka jira wasaaradda.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here