Weriyeyaal Caan Ah Oo Wasiirka Warfaafinta Ku Eedeeyay In Talo Aan Tiisa Ahayn Uu Xilalka Kaga Qaaday Agaasime-waaxeedyo Aanu Magacyadooda & Muuqooga Isku Aqoonin

0
985

Hargeysa, (HargeisaPress) —Qaar ka mid ah Weriyeyaasha Telefiishanka Qaranka Somaliland ugu caansan, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Magaalada Hargeysa kaga hadlay isku-shaandhayn uu Toddobaadkii hore sameeyay Wasiirka Wasaaraddaasi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo).

Wasiirka Warfaafinta ayaa isku-shaandhaynta uu sameeyay waxa Xilka kaga qaaday Madaxdii qaybeedadii iyo madaxdii kale ee ka sii hooseysay, isagoo isla markaana u magacaabay masuuliyiin cusub, halka uu qaarkoodna isku bedalay.

Laakiin, Xil ka qaadista iyo Isku-shaandhayntaasi waxa ka dareen celiyey Agaasime-waaxeedyada la beddelay qaarkood, iyo xubno kale oo shaqaale ah waxayna sheegeen in isku-shaandhayntani tahay mid aan ku iman Go’aan uu Wasiirku gaadhay, balse ay jiraan Agaasime-waaxeedyo ka mid ah Wasaaradda iyo La-taliyeyaal si kooxaysi ah u shaqeeyaa ay Wasiirka majaro habbaabiyeen, taasina keentay in Wasiirku uu Xilka ka qaado Agaasime-waaxeedyo aanu Magacooga iyo Muuqooga isku aqoonin.

Abiib Iimaan Xasan oo ka mid ah Suxufiyiinta 25-kii sanadood ee u dambeeyay ka shaqaynayey Wasaaradda Warfaafinta oo ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Anigu waxaan Wasaaradda warfaafinta ka shaqaynayey 25 Sanadood, Xil uu Wasiir ii Magacaabo ciil uma qabo oo ma doonayo diyaarna uma ihi, waxaan sugayaa Xil uu Madaxweyne ii Magacaabo.”

Weriye Abiib wuxuu sheegay inay khalad tahay in shaqo sideeda u socota uu dhibaateeyo Qof qayb ka ahi “In shaqo sideeda u socotay uu nin ila derajo ahi uu inta uu cidhifka I qabto oo uu xagga dambe ii reebo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay isku-shaandhaynta uu Wasiirku sameeyay “Wasiirka waanu soo dhaweynaynaa, laakiin haddii wax la isku shaandheynayo waxay ahayd in loo sinnaado, Waayo? waxa dhacday in Xubno ka mid ah Agaasimayaashii la beddeli lahaa iyo laba ka mid ah La-taliyeyaashii badnaa ee Wasiirku intay Huteel kiraysteen ay soo qoreen Liis, Dadna la soo dallacsiiyey, Dadna laga soo reebay, markaa waa isku shaandhayn ay sameeyeen qaar naga mid ahi, taasi xaq iyo Daw midna ma ahayn. Waxaan halkan ka caddaynayaa in Wasiirku aanu garanayn Magacayga iyo Xilkayga, markaa siduu ii beddeli (Karaa) ismaanu baranba’e, markaa waxaanu leenahay Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenkaba ma ahayn in Afar xubnood oo ka mid ah kuwii aad beddeli lahayd ay shaqaalahaagii oo dhan beddelaan”

Axmed Xuseen Warsame oo ahaa Agaasimihii Waaxda Barnaamijyada ee Telefiishanka Qaranka Somaliland oo isaguna Shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa tilmaamay khaladaad uu xusay inuu Wasaaradda Warfaafinta ka dhex jiro, kuwaasi oo ay doonayeen in la saxo, balse Wasiirkii sixi lahaa aanu darriiqeeda marin waxaanu yidhi “Xukuumadda cusub ee dhalatay waxay Masuuliyiin cusub u soo Magacawday Wasaaradda Warfaafinta, Masuuliyiintaasi waxay bilaabeen inay xog-wareystaan Xaaladda meeshu siday tahay, maxaa xun, maxaa khariban ee ay Wasaaraddu la socon la’dahay, Xafiis Xafiis ayay u galeen, Wasiirradu waxay ka marag fureen in meeshu tahay meel baaba’san oo Kamaraddii Nin leeyahay, Makarafoonkii Qof sito, markaa waxay qireen inay arrintaasi tahay Maamul xumo meesha ka jirtay, markaa waxay ballan-qaadeen inay wax saxayaan, sixitaanku wuxuu ahaa inay ka bilaabaan halka wax ka khaldan yihiin, waayo? In Qof lagu beddelo Qof wax macno ma samaynayso. Laakiin Wasaaradda Warfaafinta waxa jira Dad Fayris ah oo Agaasimeyaal iyo La Taliyeyaal sheegta, Wasiir kasta oo yimaadda cunaha iskaga duuba oo kala dhex joogsada Madaxda iyo shaqaalaha, si aan loo ogaanin inay iyagu yihiin kuwa dhibka wada, Nasiib-darro Wasiirradii markay is yidhaahdeen wax ka qabta (wixii xun) waxa dhacday in kuwii ay ahayd in la beddelo ay iyagu hoggaanka qabtaan oo talada maroorsadaan oo ay leexiyaan oo ay yidhaahdeen Wasiir annaga ayaa soo haggaajinayna ee na sug.”

Mr. Axmed wuxuu layaab ka muujiyey in Wasiirka oo aan Magaciisa iyo Barnaamijkiisa isku aqoonin uu beddelo “Waxaan ahaa Madaxa Barnaamijyada (Tv-ga Qaranka), waxa laga yaabaa inaanu Wasiirku isku aqoonin Magacayga iyo Barnaamijkayga, waxa taa Tusaale u ah Shaqo ayuu noo diray, dabadeed Annaga oo joogna Saylac ayuu Wasiirku la soo hadlay Inanta Xoghaynta ah wuxuu ku yidhi Madaxii Barnaamijyada iigu yeedha, waxa lagu yidhi sawdigii Saylac u diray.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in sababta ay arrintan uga hadlayaan aanay ahayn inay ka xun yihiin Xubnaha la magacaabay “Sababta aanu u hadlaynaa maaha inaanu ku Mucaaradno dhallinyarada la Magacaabay ee Annaga na beddelaysa.”

Agaasimihii Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta Mowliid Shaqale oo isagana la beddelay ayaa yidhi “Intaa la sheegay waan la qabaa, waxaanse ku darayaa in Sababta aanu u hadlaynaa tahay inaanu salluugnay Qaabka la noo beddelay, Wasiirkuna wuu sheegay oo wuxuu yidhi Koox baan kala tashaday Isku-shaandhaynta, Kooxda uu kala tashaday waa kuwii ay ahayd inuu isku-shaandhaynta ku daro.”

Maxamed Xuseen Cali oo ka mid Ruug-cadaaga Suxufiyiinta Somaliland ayaa isaguna Shirka jaraa’id ka sheegay “Wasaaradda Warfaafintu isma haysato, laakiin mar walba waxbaa caqabad ah (oo aanu doonaynaa in la saxo), Waayo? Kuwaa la Magacaabay berri ka maalin ayaa la odhan doonaa iyagana hala beddelo..”ayuu yidhi.

Cabdirisaaq Cismaan oo ahaa ku-xigeenkii Madaxa Barnaamijyada Telefiishanka Qaranka Somaliland, balse iska Casilay Xilkaasi ayaa sheegay inay ahayn in Wasiirku inta aanu isku-shaandhaynta samaynin uu la kulmo Dadka uu beddelay “Wasiir ma ahayn inaad albaabka soo xidhato ee waxay ahayd inaad ku tidhaahdo (Dadka kula taliyey) I tusa Dadka aan beddelayo..”ayuu yidhi.

Shirka jaraa’id waxa kale oo uu ka hadlay Weriyeyaal kale oo ka mid ah Telefiishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, kuwaasi  oo tilmaamay inay ka xun yihiin dariiqa uu Wasiirka Warfaafintu u maray isku-shaandhaynta uu sameeyay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here