Wejiyada Cusub Ee Ku Jira 24 Masuul Oo Madaxweynuhu Magacaabay Iyo Kuwa La Dhamaystay Xukuumaddii Hore Sii Shaqaynaya

0
955
qaar ka mida Wejiyada Cusub Ee Ku Jira 24 Masuul Oo Madaxweynuhu Magacaabay

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay Isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Badhasaabbada Gobollada Dalka qaarkood.

Madaxweynaha ayaa Magacaabay 24 Masuul oo u badan Agaasimayaal guud, halka uu Xubno kooban oo ka mid ah Agaasimayaasha guud uu isku beddel ku sameeyay, halka uu Badhasaabka Gobolka Gabiley xilka ka qaaday midna cusubna u Magacaabay.

War-saxaafadeed uu Madaxweynuhu ku saxeexan yahay oo uu ku shaaciyey Xilalka cusub ee uu Magacaabay oo soo gaadhay Wargeyska Himilo, ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-70/042018 uu ku magacaabay 24 Masuul.

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay:  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda Maanta (Shalay) aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  2. Cali Xuseen Nuur Beegsi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

3.Dr. Axmed Cali Maax Warsame, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha

  1. Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  2. Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray), Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  3. Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda
  4. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
  5. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
  6. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
  7. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-Case), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
  8. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga
  9. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
  10. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
  11. Cali Maxamed Cali Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  12. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
  13. Axmed Muuse Muruud Muxumed, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
  14. Cabdikariim Xuseen Siciid, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  15. Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale, Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa
  16. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac), Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
  17. Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde), Guddoomiyaha Gobolka Saaxil
  18. Mustafe Cabdi Muuse Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle
  19. Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex
  20. Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere), Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil
  21. Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte (Ilka-case), Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka.

[Masuuliyiinta aan xilka ka qaaday waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.”

Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Madaxweynuhu Xilka ka qaaday, ayaa ka warramay dareenkiisa la xidhiidha xilka laga qaaday ka dib markii uu soo baxay Warka ah in Xilka laga qaaday, waxaanu yidhi “Illaahay baa Mahad leh, Xilku waa meerto oo Nasasho ayuun baan gelayaa.”

Mr. Ramaax oo la waydiiyey inuu jiro wax ay isku seegeen Madaxweynaha oo keentay in Xilka laga qaado, ayaa ku jawaabay “Wax alaale iyo wax aanu isku seegnay ma jirto, isa-seegidna maaha ee Xilku waa meerto meelinba Qof ayuun baa qaban lahaa, aad iyo aadna waan u Hambalyeynayaa Guddoomiyaha la igu beddelay. Kolay aniguna nasasho ayaan iskaga baahnaa, Waayo? 7-dii sannadood ee dambe aad iyo aad baan u yar xiiqay, markaa Madaxweynaha soo hambalyeynayaa waanan soo dhaweynayaa Runtii (Xil ka qaadistayda) waa Sunnaha Dawladnimo in la isbeddelo, wax alaale iyo khilaaf ah oo jiraana ma jirin, hawl badan baanu ka wadnay Gobolka Gabiley, khaasatan Tog-wajaale, taana waxaan qabaa inaan Anigu Xilkaygii si wanaagsan uga soo baxay, markaa markii horena wuxuu saaxiibkay, imikana waa saaxiibkay waana Madaxweynahaygii, waanan Hambalyeynayaa.” Ayuu yidhi, Mr. Ramaax uu Shalay u warramay Telefiishanka Eryal, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa inuu Mucaarad noqonayo iyo in kale “Anigu Mucaarad ma ihi, Mucaaradna noqon maayo..”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here