Weftiga Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan UK

0
1005

London (Hargeisa Press.com): Wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda boqortooyadda UK.

Weftigan oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciiil (saylici), ayaa sidoo  kale waxay shirar la qaateen xubno ka mida xildhibaanadda baarlamaanka dalka Britain.

Madaxda ka tirsan dawladda Ingiriiska weftiga Somaliland ay la kulmeen waxaa ka mid ah  mr. Boris Jonson,  wasiirkii hore arrimaha dibeda Britain iyo   Nus ghani, oo ah  wasiirka dekedaha iyo Baddaha ee dawladda UK.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here