“Waxaa Wax Aan La Liqi Karin Ah,Markaad Aragto Wefti Heersare Ah Oo Somaliland Ka Baxaya Oo Ah 5 Isaaq Ah iyo Laba Kale Oo Hareeraha Ka Taagan” Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

0
869

Hargeysa, (HargeisaPress) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa si qoto dheer u sharaxay hanaanka lagu midayn karo Somaliland laguna dawayn karo Tabashooyinka Galbeedka iyo Bariga Somaliland, isagoo tilmaamay in dawadu tahay in Mansabyada waaweyn ee Qaranka dadku iska wada dhex arko. Waxa uu Nasiib daro ku tilmaamay wufuuda wada hadalada oo uu sheegay inay u badan yihiin Beesha Dhexe.

Pro. Axmed Oo Xalay Khudbad u jeediyay Ardayda Jaamacadda Golis ee Hargeysa, waxa uu sheegay in Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ku kala duwan yihiin amaanka sidaasi darteedna uu u tagi kari waayay Sool.

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay inay haboontahay in dhismaha dawladda loo sinnaado “Had iyo jeer Dawladda la dhisayaa, waa inaanay yeelan uun Karti, way fiican tahay hadday Dawladdu Karti leedahay laakiin waa inay leedahay Karti iyo Caddaalad wada socoda. Markaa waa in Dawladda Madaxdeedii hadday tahay Baarlamaanka, Fulinta ama Maxakamaddaha ama Jenneraalada Ciidamada ha noqotee, Xafiisyada Waaweyn ee Dawladda waa in la iska wada dhex arkaa, iyadoo Kartidana la eegayo oo aan la eegayn uun kaasi waa Reer Hebel” ayuu yidhi Pro. Axmed Ismaaciil Samatar.

Pro, Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uu waxaan la liqi Karin oo aan la qaadan Karin ku tilmaamay Wufuuda heerka sare ee Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo dirto oo ka soo wada jeeda Beesha dhexe “Waxaa wax aan la calaashan Karin oo aan la liqi Karin ah ama ay adag tahay inaad liqdo marka aad aragtid Wefti Somaliland ka baxaya oo heer sare ah oo ka kooban 5 Isaaq ah iyo laba Xabadood oo Hareeraha ka socda ay TV-ga kaaga soo baxaan”ayuu yidhi Prof-ku.

Pro Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay inay habboon tahay in dadka Hareeraha ee la soo jiidanayo la soo horaysiiyo “Xaqiiqdii waxaa habboon, in dadka Firidhsan ee aad doonayso inaad soo jiidato aad soo horaysiiso, Shuruuduna waa inay wadanka daacad u yihiin oo ay shaqada ka soo bixi karaan.markaa Dawladda Xafiisyadeeda waaweyn waa inaa la iska dhex arkaa waliba adigoo horraysiinaya dadka aad doonayso inaad soo jiidato”

Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sidoo kale ku taliyay in meelba meesha ay ka liidato xagga dhaqaalaha iyo nolosha loogu kala sad buriyo oo dhaqaale la galiyo “Waxaa jira Dad meel kuwada Nool oo haddana kala sareeya,qaybina fiqiir tahay qaybina wax haysato, markaa waxa weeye in inta Somaliland sidaas loo Eego la yidhaahdo Meelaha ugu liita Ilgaar ah ha lagu eego. Marka aad Eegto Sool,Waa la wada liitaa laakiin markaad isbarbar dhigto Sool aad iyo aad bay u liidataa” ayay yidhi Prof-ku.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu soo jeediyay in la ilaaliyo wadajirka Somaliland “Wada jirka Somaliland in la ilaaliyo waa ta ugu macquulsan, haddaynu kala daadanno waxaynu ka soo Ordaynay ayaynu waliba inagoo Gurguuranayna dib ugu Ordi doonaa, dabeed wixii 25 Sannadood loo soo shaqaynayay waxay noqonaysaa waxaan waxba ka jirin”

Dhanka kalena waxa uu Prof Axmed kala doorran siiyay Somaliland laba arimood “Doodaydu waxa weeye laba ma wada noolaan karaan, haddii Somaliland Noolanayso waa In Qabiilku dhintaa, haddii Qabiilku noolaanayana waa in Somaliland aynu Aasnaa. waa kuwaa labada aynu kala dooranaynaa”

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here