Wasiirka Duulista Oo Beeniyay In Ay Dawladu Heshiis Saldhig Milatari Ah La Gashay Imaaraadka, Wasiirku Waxa uu Xusaya in Arintaasi Tahay Codsi oo Aan Xitaa Ka Wada Xaajoodkeeda La Gudo Galin.

0
1005
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe oo Xafiiskiisa Shirjaraaid ku qabtay ayaa beeniyey in aan Dawlada Somalailand heshiis ah saldhig milotari la galin Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta, balse Wasiirku waxa uu tilmamay in Dawlada Imaaraadku ka Codsadeen Somalilanad in ay Berbera ka samaystaan Saldhig milatri.

Wasiirku waxa uu hadlkiisa ku bilaabay sidan:-“Bismilaahi Raxmaani Raxiim bahda saxaafada aad baan idinku mahadcelinayaa adeega muga leh ee ay bulshada u hayaan, gaadhsiinta fariimaha iyo waxyaabaha muhiimka u ah bulshadeena iyo Qarankeena Jamahuuriyada Somaliland, waxaan idinku yeedhay Wargayska Ogaal iyo Wargayska kale ee Geeska Africa waxa saaka kusoo baxay oo ay laba ciwaan ku sameeyeen oo aan iyagana uga mahadcelinaayo xogtaa inay soo qoraan,  Ogaal Waxa uu yidhi maxaa ka jira  inay Somaliland iyo imaaraadka carabtu kala saxeexdeen heshiis saldhig military oo 25 sano ah. Geeska Africa waxa uu yidhi Dawladaha Somaliland iyo imaaraadka oo kala saxeexday heshiiska saldhigyo military oo Madaarka iyo Dekada Berbera la siinayo imaaraadka Carabta.”

Wasiirku isga oo faahfaahin ka bixinya majlada Jaraaidku xigteen waxa uu yidhi:-“Labaduba waxay soo xigteen journal caalami ah  kuwa (Electronic) ah  oo la yidhaa Shephard Media, Jariirada ay soo xigteen waxay ka hadashaa arimaha militariga iyo , arimaha Badaha Ciidamada iyo cirka Dhulka waxyaalahaas ayay ka hadlaan inta badan wixii militarya ayay ka hadlaan ninka qoray waxa uu qoray 20/12/2016 waxa la yidha Cawad Mustafa Dubai   ayuu joogaa waa nin odorosa waxyaabahaas ayaa maqaalkan soo qoray. Waxaan jeclahay maqaalkaa waxna waa ka run oo horeba waan u sheegay waxna waa waxaan jirin inaan markaa cadeeyo wixii aan jirin wixii jirana sheego horena wan u sheegay.”

Wasiirka oo war baahinta xasuusinaya kulan hore oo uu arintan kaga hadlay ayaa waxa uu yidhi:-“waxa uu xiganayaa kulankayagii September Madaxwaynuhu waftigii uu hogaaminaayay ee markii aan kasoo noqday halkan kulanka idiink qabtay,Oo ahayd inaan kasoo wadahadalay oo Isfahan ka yeelanay saldhig military Imaaraadka Dawlada Somaliland siiso Madaxwaynuhuna ka aqbalay codsigoodii ay noo soo jeediyeen wax qarsoona may ahayn waxaanu qarinaynana may ahayn, laakiin waxa qalada oo aan u arkaa inay tahay waxaan jirin inay yidhaahdaan heshiis baa la galay heshiis, baa la galay maaha waxjira heshiis haduu jiro ha keenaan heshiiskaasi waxa uu ahaa,”

Wasiirku isaga oo arintaas waxaba kama jiraan ku sheegaya waxa uu yidhi:-“ waxaan leeyahay oo aan halkan ka cadaynayaa oo an umada jamahuuriyada Somaliland u cadaynayaa inaanu jirin heshiiskaasi maalinta la saxeexaayo Jamahuuriyada Somaliland anaa uga wakiila maadaama Madaaradu hoos yimaadaan Wasaaradayda, shirkaana anaa goob jog ka ahaa aniga iyo wasiirka arimaha debada, wasiirka madaxtooyada, Madaxwaynaha dhamaantayo goobjoog ayaan ka ahayn kaa hore iyo wasiiro kaleba Dubai ayuu ka dhacay wixii ay noo soo direen iyo wixii madaxwaynuhu kaga jawaabay maalintaaba waan sheegay hadana waan ku celinayaa.”

Wasiirka oo faahfahinaya wixii dhex maray Somalilanad iyo Imaaraadka ayaa yidhi:-Madaxwaynuhu codsigaa Imaaraadka Carabta khaasatan Imaarada Abu Dubai ay usoo jeedisay Madaxwaynaha ay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inaad saldhig military   aad naga siisaan Berbera Madaxwaynuhu wuu ka aqbalay waxaana uu isagu soo jeediyay oo uu ku yidhi dee Qaran jiraanu nahay Dawladnimadiisa leh iyo nidaamkiisa qaab dhismeedkiisa Golayaal leh, sharci dejintii leh waxna awood dhamaystiran baan u leeyahay ka Madaxwayne ahaan, waxna waxay ku xidhan yihiin shuruucdii iyo in la mariyo Golayaasha Qaranka, markaa wuxuu yidhi aan isku noqono oo xeerka yagii soo eegno sidoo kalena aan Golaha Barlamaanka horgayno in ogolaanshiiyo naloo siiyo oo aan wadaxaajoodka galno in Madaarka berbera saldhig military laga dhigo.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-“Arintiina ilaa hada odoroskeedii iyo naaqishaadeedii ka xukuumad ahaan waanu  ku jirnaa laakiin wax la horgeeyay Golihii Barlamaanka maaha hadii heshiis lasoo galona taa maanan nidhaahneen maanta”.

Wasiirku waxa uu sheegay ninkan wax qoray in uu fikirkiisa shiqsiga ah uu ahaa qoraalkani, waxaanu yidhi:-“ markaa waxaan leeyahay ninkan wax naaqishay ee kusoo qoray majaladaa caalamiga ah aragtidiisa uun buu ku cabiray inta badan aragtihayaasi way iska dhacaan runa way noqdaan beena way noqdaan.”

Wasiirka oo sii iftiiminaya in aan heshiiskaa wali la galin ayaa yidhi:-”Ma jiro heshiiskaasi heshiis la galayna, ma jiro heshiis aan saxeexayna ma jiro dabadayna Madaxwaynaha oo tegay oo arintaa ka hawlgalay ma jirto, dabadayna Gole wasiiro oo dawlada Imaaraadka kala hadlayna ma jirto arintaa, waxaan cadaynayaa inaanay jirin saldhigaasina, qoraalka 25 sano ayaa ku qoran,  lagama wadahadalba.”

Wasiirka oo ka hadlaaya xiliga heshiiskaa la gali karo ayaa yidhi:-“shuruudaha iyo wixii lagu heshiinayo waxa la geli karayaa,  marka Madaxaweynaha ay siiyaan ogolaansho Golahayaasha xeerdajintu,”

Wasiirka oo tilmaamaya in aan arintani ka suuro gali Karin in uu kaligii galo, ayaa waxa uu yidhi: Madaxweynuhu waxa weeye hogaankii Qaranka, lexo jeclo badan ayuu Dalkan ka leeyahay, Naftiisa iyo dhiigiisaba wuu u soo horay waa Oday ruugcadaaya oo Siyaasiya, maaha Nin duminaaya oo qaabdhismeedkeenii iyo Qaranimadeenii meel kaga dhacaaya, DP Word ayaa keedii la horgeeyay, lama canka mudin ee waa la horgeeyay, kana maalintaa sidaa si leg ayuu go’aan ugu gaadhay in ku ixtiraamo, in uu  horgeeyo, in loo ogolaado xitaa wada hadal in uu ka galo, maalintaasna waxa ay u taala in uu u yeedho Madaxweynuhu Golayaasha, oo uu arintaas kala tashado,”

Wasiirku isaga oo ka hadlaaya fikir ahaan waxa uu ka qabo heshiiskan, ayaa waxa uu yidhi:- “ waa waxaan aaminsanahay oo aan maantana ku celinayaa, waa wax Dalkeenan faa’iido u leh, ninka halkaa maqaalka ku qorayna wuu sheegay, in uu Dalkeena faa’iido u leeyahay, xitaa waxa uu sheegayaa in ay Elatariya Saldhig weyan ku leeyihiin oo Laba kun oo Miigan looyaqaan  Miiraajka ay Saldhig uga samaysteen, oo ay miishaas oo cidlo ahayad ka sameeyeen Madaar Caalami ah,”

Wasiirku isga oo ka hadlaya wixii ka soo baxa Golayaasha ee ay Madxweyanaha ku raacan ayaa waxa uu yidhi:- “waxaanu leenahay kolay wixi la sameeyo ee hadhaw heshiis lagu galo, Qarankeena ayaa u  aayaya, Shaqo Abuuris ayaa laga helayaa, Damaanad wanaagsan ayey inoo noqonaysaa maadaama aynan ahayan Wadan la aqoonsan yahay, waxaasi faaiidooyinka inoogu jira ayey tahay, iyada oo aanu eegayno oo aanu qiimaynay, imikana qiimayn danbe ku samaynayno, khataraha ka iman kara, oo marwalba lexejeclada aynu Qaranka ka leenahay ay tahay wixi faa’iido u ah, ee shaqo abuuris keenaya, ee aduunka indhihiisa inagu soo jeedinaya, waynu ku dhiiranaynaa waanaynu samaynaynaa.

Ismaaciil Cali Axmed 

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada  iyo Gaadiidka Cirka 

Tel: 0634424571

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here