Wasiirka Cusub Ee Maaliyadda Somaliland Oo Durba Isaga Oo Aan La Ansixin Wasiirnimadiisa Shaqaale Badan Dibada Dhigay Kuwo Kalena Xilal U Magacaabay

0
1566
Wasiirka cusub ee Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka dhawaan madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo aan wali Baarlamaanka Somaliland ansixin wasiirnimadiisa ayaa durba bilaabay inuu shaqaale wasaaradda Maaliyadda ka tirsan qaarkood uu dibada dhigo isla markaana shaqada ka caydhiyo kuwo kalena xilal u magacaabay sidoo kalena qaar kale isku badal ku sameeyey.

Wasiirka ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku socodsiinay dhamaan laamaha kala duwan ee wasaaradda maaliyadda Somaliland,kuwaas oo ku shaacinayo isku badla iyo magacaabis uu sameeyey.

Baarlamaanka Somaliland ayaa sharciyeeya wasiirnimada masuulka la magacaabay,balse wali lama horgayn wasiiradii xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi golaha baarlamaanka Somaliland,kuwaas oo sharcigu dhigayo inay ansixiyaan kuwo aan buuxin shuruudihii loogu talo galayna ay diidaan.

Hadaba shacabka Somaliland ayaa waxay aad isku waydiinayaan sharcigu waxa uu ka qabo in wasiirada hadda la magacaabay ee aan golaha wakiiladu ansixin in ay wasaaradaha loo magacaabay shaqaalaha joogay eryaan ama isku badalku sameeyaan?

 

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka uu soo maaray wasiirka maaliyadda Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here