Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ku Gacan Saydhay Guddoomiye Cirro Ku Gacan Saydhay Soo Jeedintii Ahayd Inuu Xilka Iska Casilo, Hadalkii Imaaraadka Dartii

0
1275
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa meesha ka saaray inuu xilka iska casilayo, ka dib dhawaaqii ka soo yeedhay dawladda Imaaraadka Carabta ee ahaa inay Somaliya qayb ku lahayd heshiiskii dekedda Berbera.

Wasiir Sacad Cali Shire oo khudbad ka jeediyay madasha caalamiga ah ee Chattham House ee magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay inuu ku rajo weynyahay in dekedda Berbera iyo maalgashiga lagu sameeyay wax weyn ka tari doonto baahida shaqo la’aanta dhalinyarada ee dalka ka jirta, “Waxaan ku rajo weynahay in dekedda Berbera wax weyn ka tari doonto baahida shaqo la’aanta ee dalka ka taagan, korna u qaadi doonto dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqooyinka.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad Cali Shire, wuxuu ku sheegay in Somaliland xidhiidh soo jireen ah oo adag la leedahay wadadama Khaliijka Carabta, waxaanu yidhi “Somaliland waxay xidhiidh dhaqaale iyo siyaasadeed oo adag la leedahay dalalka Khaliijka oo ay arrimo badan wadaagaan. 80%  xoolahayagu waxay u dhoofaan Sucuudiga, halka ay 20% tagaan Yemen.”, waxaanu intaas raaciyay  “Waxaanu sidoo kale jecelnahay inaanu xidhiidho noocaas oo kale ahna la yeelanayo Soomaaliya iyo weliba Itoobiya iyo Djibouti.  Maanu tirtirin wada hadaladii uu Turkigu fududeeyay ee Soomaaliiya aanu kula jirnay, waanu bilaabi doonaa marka wakhtigu hagaago.”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay khamiistii ayaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ugu baaqay inuu is casilo, waxaanu Cirro yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa mar labaad haddii ay Shacbiga Somaliland  in uun u hayaan wax xurmo ah inay  saaxiibkay Dr Sacad Xaaji Cali Shire Wasiirka Arrimaha iyo Wakiilka imaaraadka ee Somaliland Md Baashe Cawil maanta si aan daahis lahayn isu casilaan maadama ay injineero ka  ahaayeen  shirqoolkan iyo khiyaamadan qaran ee soo ifbaxday.”

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxa Chattham House lagu weydiiyay su’aalo badan oo ay weydiiyeen dad reer Somalialnd ah oo madasha ku sugna iyo kuwo anaajib ahi. Su’aalaha la weydiiyay waxa ka mid ahayd bal inuu diyaar u yahay inuu is casilo, iyadoo la tixraacayo dhawaaqaas guddoomiyaha Waddani wuxuu yidhi Wasiir Sacad “Anigu waxaan aaminsanahay inaan shaqo wanaagsan u qabanayo Somaliland, mana jirto sabab aan isku casilo. Balse waa go’aan madaxweynah au yaala.”

Source: Geeska

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here