Wasiir Gaafaadhi oo Naqdiyey Hadal ka soo Yeedhay Siyaasiyiin iyo Boqor Buurmadow

0
1456
Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi (Photo File)

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Md. Xasan Maxamed Cabdi (Gaafaadhi) ayaa ayaan darro ku sifeeyey  hannaankii uu  Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) uga  hadlay dilkii dhawaan loo geystay laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidammada Booliska iyo Asluubta.

Wasiir Xasan Gaafaadhi oo maanta u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in Boqor Buurmadow aanu xisaabtamin markii uu ka hadlayey dilkii labada taliye , waxaanu xusay in dilkaasi ahaa mid fool xun oo aan hore uga dhicin dalka isla markaana aan qabanin qaranka Somaliland.

Wasiirku wuxuu tacsiyeeyey qoysaskii dhibaatadu ka soo gaadhay dilkaas foosha xun.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu wuxuu  naqdiyey qaar ka mid ah siyaasiyiin isku tilmaama  heer qaran oo haddana si   reeraysan uga hadlay dhibaatadaas. Wasiir Xasan Gaafaadhi wuxuu siyaasiyiintaas ku eedeeyey inay Kitaab beeleed qoorta sudheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here