Wasaaraddaha Horumarinta Beeraha iyo Warfaafinta Oo Iska Kaashanaya Sidii Bulshada Loogu Wacyigalin Lahaa Wax Soo Saar Dhanka Cuntada Ah oo ay La Yimaadaan

0
995

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax ayaa ka shiray sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa inay yimaadaan wax soo saar dhanka cuntada ah si bulshadu u gaadho isku filnaansho dhanka cuntada.

Shirkan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka warfaafinta ayaa waxa ku wehelineyey Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Maxamed Muuse Abees, Maareeyaha Telefishanka qaranka Khadar Maxamed Cakulle, Agaasimaha Guud ee Wasaardda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan,  Madaxa Barnaamijyada Radio Hargeysa Sakariye Axmed Muxumed, Agaasimaha waaxda cimilada wasaaradda Beeraha C/qani Yuusuf, Agaasimaha Waaxda gaadiidka Wasaaradda Beeraha Ibraahim Carab, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Aw Muse Cabdi  iyo masuuliyiin kale.

Labada wasiir ayaa waxa ay shirka ka dib la hadleen warbaahinta waxaanay sheegeen in shirkoodu ku sabsanaa sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa inay wax soo saar dhanka cuntada ah la yimaadaan si bulshadu uga maaranto waxyaabaha dibada inooga imanaya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta C/raxmaan Cabdilaahi Faarax (Guribarwaaqo) oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Shirkayagu waxa uu ku sabsanaa sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa inay wax soo saar dhanka cunta la yimaadaan, ka wasaarad ahaana diyaar ayaanu u nahay hadaanu majaajilo, war, barnaamij iyo nidaam kaleba ugu gudbinayno oo dadku haday doonayaan inay wax soo saar la yimaadaan daarahan la dhisayo ee dhaqaalaha badan la galinayo waxa ka fiican beeraha”.

Wasiirka horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed ayaa isna sheegay in wacyigalinta bulshadu muhiimad weyn u tahay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Imaatinkayaga iyo booqashadayadu waxa ay tahay sidii aanu wasaaradda warfaafinta uga wada shaqayn lahayn wacyigalin bulshada lagu wacyigaliyo inay wax soo saar la yimaadaan taasi oo qayb ka ah ololihii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku galay tartankii doorashada, warbaahintuna kaalin weyn ayey ka qaadanaysaa oo wacyigalinta beeralayda wixii wasaarad ahaana na khuseeyana diyaar ayaanu u nahay”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here